Dayaxa meere
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dayaxa Meere waa duni yar oo ka samaysan dhagaxaan, neef iyo isku dhisyo kale taasi oo ku wareegta meere. Tusaale ahaan, dayaxa meeraha dhulka. Waxaa jira 173[1] dayax oo ku meeraysta meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay, iyo sideed kale oo ku wareega dunida yaryar. Meereyaasha Waxaraxir iyo Dusaa ma lahan wax dayax ah, Dhulku wuxuu leeyahay hal dayax, meeraya afaraad Farraare wuxuu leeyahay labo dayax oo kala ah Fobos (Phobos) iyo Dheymos (Deimos).[2]
Neefaha Waawayn waxay leeyihiin tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas oo qaarkood le'eg yihiin xajmiga dayaxa dhulka. Meeraha Cirjeex[3] waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax. Waxaa ku xiga meeraha Raage oo leh tirada labaad ee ugu badan dhamaan sideeda meere ee bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo ah 62 dayax. Dhinaca kale, meeraha Uraano wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo dhan 27 dayax.[4] Meeraha Docay wuxuu leeyahay 14 dayax.
Si kastaba ha ahaatee, duunyooyinka yar qaar ka mid ah waxay leeyihiin dayaxyo yaryar oo ku wareega ayaga. Dunida yar ee Ceres[5] ma lahan wax dayax ah, laakiin dunida yar ee Bluto[6] waxay 5 dayax oo wareega. Sidoo kale, dunida yar ee Haumea waxay leedahay 2 dayax, waxaa iyadna hal dayax leh dunida yar ee Eris.
Waxaa la aaminsan yahay in dayaxyada qaar ay ka jirto nolol, sida dayaxa Titan ee Cirjeex iyo bisha Triton ee meeraha Docay, laakiin lama hubo ineey jirto midaasi.[7]