Neef

From Wikipedia, the free encyclopedia

Neef

Neef (Gas)

Haku khaldin xanuunka Neefta

Atomyada, Malakuyuulada iyo aayonada (ions) neefta waa kuwo xor ah oo hadba dhinac u socda.

Neeftu (ingiriis: gas) waa walax oo mid ka mid ah sadexda aasaaska u ah walaxda (matter). Waxa laga yaabaa in neefta saafi ahi ka samaysan hal atom, sida Neefta Gobka ama neef atomic sida Niyoon, malakuyuul ka samaysan labo atom, sida Ogsajiinta oo kale, ama isku dhis (compound) ka kooban malakuyuulo ka yimid atomyo kala duwan, sida Kaarboon-labo-ogsaydh (C2O).

Iskumilanka neeftu waxay ka kooban tahay neefo saafi ah oo kala duwan sida hawada oo kale. Waxa neefta ka soocay adkeha iyo dareereha waa ayadu waxay ka samaysan tahay saxaro (particles) kala furan isla markaana kala madax-banaan, taasi oo ka dhigtey neefta mid bilaa ur ah oo isha dadku arki karin.

Marka cadaadiska iyo heerkulku caadiga yihiin, neefaha kali ah ee dagan ee curiyeha ka tirsan waa kuwa ka sameysan malakuyuulo labo atom iyo wixii ka badan, kuwaas oo ah: Haydarojiin (H2), Nitrojiin (N2), Ogsajiin (O2); iyo marka lagu daro labo ka mid ah Halogenska Foloriin (F2), iyo Koloriin (Cl2). Neefahaasi waxaa soo raaca kuwa ka samaysan hal atom ee Neefta Gobta (Noble Gases) kuwaas oo kala ah: Hiliyaam (He), Niyoon (Ne), Aargon (Ar), Kiribtoon (Kr), Siinoon (Xe) iyo Raadhoon (Rn).

More information Magaca, Sawir ...
Curiyaha Neefta ah
Magaca Sawir
Haaydarojiin
Hiliyaam
Nitrojiin
Ogsajiin
Koloriin
Close

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.