From Wikipedia, the free encyclopedia
Timir (Af Ingiriis : date palm; Af Carabi : ar) waa miro bisil oo ka mid ah cuntoda kuwaas oo ka baxa geedka timirta.
Geed Timir | |
---|---|
Midhaha timirta | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Monocots |
(darajo la'aan): | Kommelinids |
Dirka: | Arecales |
Bahka: | Arecaceae |
Duulka: | Foenikis |
Noocyada: | P. dactylifera |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Phoenix dactylifera Karl Linnaeus | |
Eray la mid ah[1] | |
|
Miraha timirtu waa kuwo yaryar, wareegsan oo leh midab madoow ah casaan leh. Midhaha timirtu waa kuwo macaan oo ah khudaar bisil.
Geed timir waa geed dhalo miraha timirta, geedkaan waxoo u badanyahay meelaha saxaarada ah ee woqooyiga Afrika iyo galbeedka Aasiya. Geed timirka qassab ma ahan in oo ka baxo meelaha saxaarada ah kaliya, meelaha kale oo u badanyahay waxaa ka mid ah soomaaliya, iyo galbeedka afrika,wadamada carabta,iyo bariga aasiya. geedkaan waxoo dhalaa miraha timirta, waxaana la cunaa bisha ramadaanka markii la affuraayo.
Timirtu waa miro macaan oo la cuno, waxaa laga soo gurtaa geedka timirta dhalo. Timirta waxaa aad loo isticmaalaa soonkii, marka oo la affuraayo. Qofka marka oo soomanyahay, waxoo ku affuri karaa, Timir ama biyo caadi ah.
Hal timir oo kaliya ayaa ka soo bixi kara 100 ilaa 600 rodol oo timir ah sanad wanaagsan. Waxaana laga yaabaa in geedku sii socdo inuu midho dhalo 100 sano.[2]
Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.
Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.
Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa'iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.
Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno. Archived Juun 2, 2017 // Wayback Machine
Gobor
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.