Istanbuul
From Wikipedia, the free encyclopedia
Istanbuul w:tr:istanbul Turkey (Af Turki : İstanbul; Af Carabi : ar; looqu dhawaaqo: / tænˈbuːl/ ama / tɑːnˈbuːl/ ;[1][2] [isˈtanbuɫ] ( dhageeyso)), waayihii hore loo yaqaanay Konstantinoble iyo Byzantiyam, waa caasimad ka mid ah deegaanada ugu dadka badan wadanka Turkeyga. Sidoo kale, caasimadani waa xarunta ugu weyn ee ganacsiga, dhaqaalada, dhaqanka, diinta iyo taariikhda wadankaasi.
Istanbuul | |
---|---|
Meelo kala gadisan ee magaalada | |
Barta ay kaga taal dalka | |
Gobolada | |
Dalka | Turkiga |
Caasimad | Istambuul |
Gudoomiye | Kadir Topbas |
Masaaxada (Km²) | 1,830.92 Km2 (706.9 Mayl laba jibaaran) |
Dadka dega | |
Tirada dadka | 6,211 Qof/km2 (16,086.4 Qof/Mayl iskuwareeg) Qiyaas (Sanadkii ??) |
Loolka | 41.01667 |
Dhigta | 28.96667 |
Saacad | EET (+2 GMT) |
Waqtiga xagaaga | +3 GMT |
B.O.Box | 34010 Xataa 34850 iyo 80000 Xataa 81800 |
Furaha telefon | (+90) 212 (dhanka yurubta) (+90) 216 (dhanka aasiya) |
Website | |
bedel |
Caasimada Istanbuul waa magaalada keli ah ee dhacda qaarada Aasiya iyo Yurub; waxayna dhinaca ku haysaa dhowr badood oo kala duwan, sida Bada Madoow iyo Bada Marmara. Xarumaha dhaqaalaha iyo dhismayaasha taariikhiga ah ee caasimada Istanbuul waxay ku yaalaan dhinaca Yurub, halka sadex meelood (75%) bulshadu ku dhaqan tahay dhinaca Aasiya.[3]
Guud ahaa, caasimada Istanbuul iyo Gobolka Istanbuul waxaa ku dhaqan dad gaadhaya ilaa 14 milyan.[4] Markay taariikhdu ahayd qiyaastii 660 C.H (Ciise Hortii) ayaa deegaanka Sayburna laga aasaasay caasimadii Byzantium taasi oo maanta ah Istanbuulta aan naqaano.[5][6]