Axmed Da'ud Oglo
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Axmed Dafutoglu Waa Ra'iisulwasaarahii hore ee dalka Turkiga intii u dhexeysay Agoosto 2014 ilaa May 2016. Waxaana xilkaasi loo xushay taariikhdu markay ahayd 29 Agoosto 2014. Waa aqoonyahan, diblumaasi ah, wuxuu horey usoo qabtay xilal ay ka midyihiin wasiirka arimaha dibadda iyo madaxa latiliyaha ra'iisulwasaarihi hore, hadana ah madaxweynaha Turkiya Rajab Dayib Erdogaan.

Remove ads
Taariikh Nololeed
Mudane Axmed Dafutoglu wuxuu ku dhashay Degmada Taşkent ee gobolka Konya ee dalka Turkiga sanadku markuu ahaa 26 Febaraayo 1959.
Brofesoor Axmed Dafutoglu wuxuu waxbarashadisii hoose, dhexe iyo sare ku qaatay magaalada Istanbul, kadibna wuxuu ku biiray Jaamacadda Boğaziçi halkaasoo uu ku qaatay shahaadada heerka 1aad ee jaamacadda barashada dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah, halka masterkana uu ku qaatay maamulka iyo maareynta, sanadkii 1984 ayuu dhameystay tacliinta sare ee phdiiga asagoo ku diyaariyey Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga. Intaas ka dib wuxuu bare jaamacadeed kasoo noqday jaamacadaha: Marmara, Bilkent iyo jaamacadda Islaamiga ee Maleeysiya.
Ra'isulwasaare Dafutoglu siyaasada ka sokow waa cilmi baadhe waxaa uuna qorey in kabadan 200 oo boog oo siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iwm isugu jira. Waxaana ka mid ah buugiisa caanka ah ee saamaynta balaaran kuleh siyaasadda arimaha dibadda dalkaasi ee lagu magacaabo Istiraatiijiyadda Qotodadheer.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads