Baasto
Nooc ka mid ah cunnada oo laga sameeyo cajinka loona qaabeyo habab kala duwan From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Baasto (Af Ingiriis : pasta; Af Carabi : ar) waa cunto[1][2][3] bisil oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[4] Baastadu waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay ukun iyo biyo. Sidoo kale, baastadu waa mid dhaadheer, dhuuban, aad u jilicsan marka la kariyo.
- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "pasta" halkan ayaan laga toosiyay


Baastada, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.
Remove ads
Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee baastada. Inta ugu badan waxaa la cunaa baastada wakhtiga qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Jaadyada baastada ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah baasto iskudhax karis iyo baasto iyo suugo.
- Baasto dhaadheer
- Basto gaagaab
- Baasto gagaab
- Basto fudud
- Basto ukun
- Basto cusub
- Basta al forno
Baasto Cusub
Bastada cusub waa mid ka samaysan midho feresh ah taasi oo lagu diyaariyo xaafadaha ama deegaanada lagu isticmaalayo. Baastada noocan ah waxaa inta ugu badan laga sameeya daqiiq cusub oo lagu xashay ukun iyo xawaash fudud.[5]
Baasto Qalalan
Baastada qalalan waa nooca lagu diyaariyo wershadaha sababtoo ah waxaa mashiino lagu sameeyaa wax badan oo loogu talogalay baayacmushtar iyo ganacsi. Sida badan laguma daro ukun, laakiin waxaa laga yaaba in noocyo ka mid ah lagu daro waxyar oo ukun ah.
Remove ads
- Muuqaalada Baastada
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads