Makaroone

From Wikipedia, the free encyclopedia

Makaroone
Remove ads

Makaroone (Af Ingiriis : macaroni; Af Carabi : ar; loogu dhawaaqo: / kəˈrni/ ) waa nooc ka mid ah baastada qalalan kaasi oo leh qaab dhuuban oo wareegsan isla markaana gaaban. Sidoo kale, makaroonahu waa cunto[1] diyaar ah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[2] Makaroonaha waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay jiis (cheese) iyo biyo. Makaroonuhu wuxuu kaga duwan yahay noocyada kale ee baastada waxaa ka mid ah dhererka, iyo waxyaabaha laga sameeyo.

Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "baasto makarone" halkan ayaan laga toosiyay
Thumb
Makaroone
Thumb
Makaroonuhu waa nooc ka mid ah baastada
Thumb Thumb
Alaabta lagu sameeyo makaroonaha

Makaroonaha, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.


Remove ads

Dadka Soomaalida

Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee baastada. Inta ugu badan waxaa la cunaa baastada wakhtiga qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Noocyada baastada ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah baasto iskudhax karis iyo baasto iyo suugo.

Noocyada

Baasto Cusub

Bastada cusub waa mid ka samaysan midho feresh ah taasi oo lagu diyaariyo xaafadaha ama deegaanada lagu isticmaalayo. Baastada noocan ah waxaa inta ugu badan laga sameeya daqiiq cusub oo lagu xashay ukun iyo xawaash fudud.[3]

Baasto Qalalan

Baastada qalalan waa nooca lagu diyaariyo wershadaha sababtoo ah waxaa mashiino lagu sameeyaa wax badan oo loogu talogalay baayacmushtar iyo ganacsi. Sida badan laguma daro ukun, laakiin waxaa laga yaaba in noocyo ka mid ah lagu daro waxyar oo ukun ah.

Remove ads

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads