Beycatu caqaba
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Beycatu Caqaba waxaa loo yaqaanaa markii koox Ansaarta ka mid ah ay Nabiga scw kula balameen Buurta Caqaba agteeda inay u hiiliyaan dacwadiisa iyo inay hooy siiyaan, ayadoo sidaas hordhac ugu noqtay hijrada Nabiga scw iyo saxaabadiis ee Madiina.
Hordhac
Abuu Daalib markuu dhintay oo hadana Khadiija ku sii xigsatay waxaa labalaabmay dhibka iyo tacadiyada ay Qureysh gaarsiinayso Nabiga scw iyo saxaabadiis, dhamaadka bisha Shawwal sanadii 10aad ee Bicsada wuxuu Nabiga scw u baxay Daa'if halkaas oo dagto qabiilada Saqiif, [1] wuxuu dhax joogay toban bari oo dacwada ka waday, blase meeshuu ka filaayay inay islaamaan ama soo dhaweeyaan wuxuu kala kulmay adadeeg [2], ciyaalka iyo wax ma garatada ayaa lagu diray dhagax ayee ooda uga qaadeen ilaa uu ka baxay Daa'if [3] [4].
Makka ayuu isaga soo laabtay Nabiga scw walina kama quusan inuu helo qolo garab istaagta dacwadiisa hiilna u noqota, wuxuu ahaa qabiilada Carabta inuu kula kulmaayo Mina xillyada Xajjka oo tagaayana suuqyada leysugu yimaado sida Cukaada, Majanna iyo Dul-Majaas wuxuu u bandhigaayay dacwadiisa inay aqbalaan una hiiliyaan laakin muusan helin cid ajiibta [5].
Xilli uu Nabiga scw ku howlan yahay la kulankiisa qabiilada ayuu arkay lix nin oo reer Madiino ahi ay islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada, islamarkaana inay Rasuulka Alle (scw) ugu ballan qaadeen inay diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan.
Remove ads
Axdigii Caqaba 1aad
Hadaba arrintaan waxaa ka dhashay in wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa sannadka labo iyo tobnaad ee nabinnimada ee ku aaddan bisha July 621 ciise dabadi ay yimaadeen labo iyo toban nin oo hawshaan isku og, shan kamid ahi waxay ku jireen lixdii sannadkii hore Nabiga (sw) lasoo xariiray, halka nin oo lixaad oo aan imaani waa Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn Ri’aab, iyo toddobo nin oo cusub, waxayna kala yihiin sidaan.
- Mucaad bin Xaarith bin Cafraa – Khazraj Bani Najaar
- Dakwaan Ibn Cabdishamsi – Khazraj Bani Zureyq
- Cubaada Ibn Saamit – Khazraj Bani Ghanam
- Yaziid Ibn Saclaba – Khazraj Xulafada Bani Ghanam
- Cabbaas Ibn Cubaada bin Nadla – Khazraj Bani Saalim
- Abul Haytham bin Tayhaan – Aws Bani Cabdil Ash-hal
- Cuwaym Ibn Saacida – Aws Bani Camar Bin Cowf
Labadaan ugu dambeeya ayuunbaa Aws u dhashay inta kale kullligood waxay u dhasheen Bani Khazraj, raggaani hadaba si qarsoodi ah ayey Nabiga (scw) ula soo xariireen, waxayna kula ballameen inay ku kulmaan karinka loo yaqaan caqabada wayn –waana sababta mucaahadadaan loogu magac daray caqabada—waxayna Rasuulka Alle (scw) la galeen axdi diineed qodobadiisu waafaqsan yihiin axdigii uu Nabigu (scw) dumarka la galay mar dambe furashadii Makko, markii kulanku furmay ayuu Nabigu (scw) qodobada axdiga ku dul akhriyay raggaan ayadoo nin waliba uu gacan qaadayo marka axdiga uu galayo, sidii qisadu u dhacdayna Bukhaari ayaa kitaabkiisa kusoo saaray isagoo ka warinaya Cubaada Bin Saamit wuxuuna yiri:
Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: kaalaya oo axdi igula gala in aydaan Alle –cibaadiisa—cidna la wadaajinayn, in aydaan waxba xadayn, in aydaan zinaysanayn, in aydaan dilayn caruurtiina, in aydaan been abuur la imaanayn aad hortiina iyo gadaashiina ka allifteen, in aydaan igu caasinayn –diidayn—wax wanaag ah oo aan idin amray, qofkii fuliya axdigaan oo idinka mid ah ajarkiisa Alle ayuu ku leeyahay, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyaadaan—oo dunida korkeeda loogu ciqaabo waxay u tahay dambi dhaaf, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyadaan—oo Alle u asturo arrintiisu Alle ayey u taallaa, hadduu doono waa ku ciqaabin hadduu doonana waa iska cafin, wuxuu –cubaada—yiri: markaas ayaan axdi kula galay amase sidaas ayaan axdigii kula gallay.
Remove ads
Axdigii Caqaba 2aad
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads