Ciid al-Fitr

From Wikipedia, the free encyclopedia

Ciid al-Fitr
Remove ads

Ciid al-Fitr (Af Carabi : ar ʻĪd al-Fiṭr, IPA: [ʕiːd al fitˤr] , "dabaaldega dhamaadka soonka"), [1] waa maalin diini ah oo aad muhiim ugu ah dadka Muslimka ah meel kasta ooy joogaan. Waa maalinta loo dabaaldego dhamaystirka bisha barakeysan ee cibaadada iyo soonka ee Ramadaan.

Quick Facts عيد الفطرCiid al-Fitr (ʻĪd al-Fiṭr) Dabaaldega dhamaystirka Soonka bisha Ramadaan, Magaca saxda ...
Remove ads
Remove ads

Hordhac

Ciid al Fitri, sidoo kale loo yaqaano "Ciida Soon" ama "Ciida Ramadaan" waa maalinta koowaad ee Shawwal (bisha 10aad ee Kalandarka Islaamka). Maalintani waxaa dadka Islaamka ah u debaaldegaan dhamaystirka 30 maalmood ee Ramadaan; waana maalin damaashaad, cunto, farxad iyo raynrayn lagu yaqaano. Maalinta Ciida ah lama ogola in qof Soomo, xataa hadii lagu lahaa maalmo.

Salaada

Si la mid ah Ciida Al-adxa, Ciid al-Fitri waxaa dadka Muslimka ahi tukadaan Salaada Ciida, taasi oo ka kooban labo rakcadood. Sida badan, salaada ciida waxaa lagu tukadaa barxad weyn, taasi oo kulmisa tiro aad u badan oo Muslimiin ah, kuwaasi oo hal mar wada tukada. Sidoo kale, salaada ciida waxaa ku jira "takbiir" (Alle weyneyn) taasi oo si dhawaq dheer ah loo qaado. Salaada Ciida marka ay dhamaato waxaa culimadu akhriyaar xooga khudbad ah, taasi oo dadka xasuusinaysa wanaaga iyo camal falka diinta.[2]

Remove ads

Sidoo Kale Fiiri

Tixraac

Loading content...
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads