Dhisme
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Dhisme (Af Ingiriis : Building; Af Carabi : لاسعانود) waa shey weyn oo ka samaysan sees, gidaaro, saqaf (roof), albaabo iyo daaqado kaasi oo noqon kara aqal ama wershad. Sida caadiga ah dhismuhu wuxuu soo maraa hab iyo nidaam loo yaqaano dhisid, kuwaasi oo qaradooda iyo weynidoodu kala weyn tahay.[1] Sida caadiga ah, dhisidu way ka duwan tahay wax samaynta, sababtoo ah waxaa nidaamka dhisidu leeday wado u gaar ah.


Remove ads
Hordhac
Dhisidu waa habka samaynta dhisme laga kor taagay oogada sare ee dhulka. Dhisidu waxay u kala baxdaa dhowr qeybood kuwaasi oo ugu muhiimsan tahay dhisida dhismeyaal waaweyn sida dabaqyo dhaadheer, laamiyada waaweyn, buundooyinka iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxaa dhisida ka mid ah dhismayaasha yaryar sida aqalada iyo wixii la mid ah.[2]
Nidaamka Dhisida
Sida caadiga ah, dhisidu waxay ka soo bilaabantaa heshiiska shirkada wax dhisaysa iyo cida maalgelinaysa. Shirkada dhismuhu waxay leedahay khubaro iyo injineero isla markaaba diyaariya shaxda dhismaha.[3] Marka la isla afgarto shaxda iyo qaabka dhismaha ayaa waxaa bilaabanta dhisida seeska dhismaha, sidaasi ayaa marba wax loogu sii daraa ilaa dhismaha laga dhamaystirayo.
Muuqaalo
- Sawiro Dhismeyaal
Sidoo kale fiiri
Xigasho
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads