Durbaan

From Wikipedia, the free encyclopedia

Durbaan
Remove ads

Durbaan, Durmaan (Af Ingiriis : drum; Af Carabi : لاسعانود) waa qalab ka samaysan alwaaxyo iyo harag la isku giijiyay kaasi oo la garaaco (tumo) si uu u sameeyo shanqadha cod muusig. Durbaanku wuxu ka mid yahay qalabka ugu da'da weyn ee dadku isticmaali jireen tan iyo horaantii ilbaxnimada.

Haku khaldin narsada
Thumb
durbaan

Faalo


Thumb
nooc ka mid ah durmaanka.

Durbaanku wuxuu ka samaysan yahay dahaar (inta ugu badan harag) lagu duubay weel adag (inta badan geed la qoray) kaasi oo lagu garaaco hal ama labo ulood ama gacmaha si uu u sameeyo shanqadh hadba nooca loo garaaco ku xidhan.[1] Sida badan durbaanka Waxaa garaaca hal qof kaasi oo isticmaalaya gacmaha ama ulo, Sidoo kale Waxaa jirta in tiro badab oo durmaano ah hal mar la wada garaaco si ay u sameeyaan shanqadh aad u balaadhan.

Remove ads

Isticmaalka

Ujeedada durbaanka loo isticmaalo waxay ku xidhan tahay dadka, deegaanka iyo dhaqanka. Laakiin guud ahaan Waxaa loo isticmaalaa in uu qurxiyo cod, hees, gabay, geeraar, hirwo iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, deegaanada dadka Soomaalida ku nool yihiin waxaa durmaanka la isticmaalaa wakhtiyada dabaaldega, xafladaha, arooska iyo wixii la mid ah.[2]

Muuqaal

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads