Gitaar
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Gitaar (Af Ingiriis : Guitar; Af Carabi : arā) waa qalab ka samaysay alwaax iyo xodhko kaasi oo sameeya shanqad muusig ah. Giitaarka Waxaa loo isticmaala in lagu qurxiyo heesaha, gabayada, maahmaahda iyo wixii la mid ah.
- Kani waa maqaal ku saabsan gitaarka. Sidoo kale fiiri Kaban.
Gitaarka waxaa isticmaala kooxaha fanka iyo suugaanta, gaar ahaan waxaa loo garaacaa fanaaniinta. Inkasto gitaarka la isticmaalo Waxaa dhulka Soomaalida caan ku ah kabanka oo ah mid u sameeysan qaabka ubada (leh madax wareegsan iyo dabo dhuuban). Gitaarku wuxuu leeyahay 4 ilaa 16 xadhig midaasi oo ka duwan kabanka. Sidoo kale wuxuu leeyahay ugu yaraan hal dalool (qaarkood ilaa labo dalool) kuwaasi oo codka iyo shanqadhu ka soo baxdo.[1]
Dunida maanta giitaarku wuxuu caan ka yahay dhamaan caalamka. Intaas Waxaa dheer, Waxaa jira nooc ku shaqeeya korontada, kaasi oo leh shanqadh awiod badan oo ka dhawaaq dheer Giitaarka caadiga ah iyo kabanka.
Remove ads
Si la mid ah luuqadaha kale, Af Soomaaligu wuxuu ereyga gitaar ka soo amaahdey luuqada Ingiriiska "guitar" kuwaasi oo laftoodu ka soo xigtay luuqada Latinka ereyga cithara.[2]

Sida ugu badan gitaarka aan korontada lagu xidhin wuxuu leeyahay 6 xadhig, laakiin Waxaa jira qaar kale oo leh 4 xadhig ilaa 16 xadhig kuwaasi oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan.[3]

Cilmibaadhis qoto dheer oo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in gitaarka lagu isticmaali jirey deegaano ka mid ah Bariga Dhexe tan iyo wakhtiyo aad u horeeyay. Warbixintu waxay sheegtay in Mesobotaamiya lagu garaaci jiray wax u eeg kabanka wakhti imika laga joogo 3,500 sano.[4] Sidoo kale waxaa la helay dhagax-gacanku samaysan ah oo jira 3,300 sano kaasi oo uu ku xardhan yahay qof garaacaya (ku ciyaarayna) kaban. Dhagaxaas Waxaa la aaminsan yahay in la sameeyay wakhtigii boqortooyadi kowaad Baabiyloon.[5][6]

Marka dusha laga arkayo Waxaa la moodaa wax fudud oo qof walba garaaci karo, laakiin sida runta ah gitaarku wuxuu u baahan yahay xirfad, aqoon iyo gacan furnaan badan. Qofka gitaarka sida fiican u garaaca waxay ku qaadataa dhowr sano inuu si fiican ula qabsado, sababtoo ah marka ugu horeeysay wuxuu bahalku dhaawaca faraha.
Si ka duwan kabanka, gitaarku wuxuu leeyahay 6 xadhig kuwaasi oo samaysan nidaam kala sareeya, isla markaana dhawaqa ay sameeyaan kala duwan yahay. Xadhkaha sare ayaa ugu dhawaq weyn halka kuwa hoose ugu dhawaqa khafiifsan yihiin. Hadaba marka gitaarka la garaacayo Waxaa la isticmaala labada gacmood, mid waxaa lagu garaacaa xadhkaha halka gacanta kale oo lagu qabto qoorta gitaarka si loogu adkeeyo ama xoojiyo shanqadha ay faraha hore sameeynayaan.
Remove ads
- Instruments In Depth: The Guitar Archived Luuliyo 27, 2017 // Wayback Machine An online feature from Bloomingdale School of Music (October 2007)
- Stalking the Oldest Six-String Guitar Archived May 7, 2012 // Wayback Machine
- Guitar physics Archived Diseembar 9, 2010 // Wayback Machine
- International Guitar Research Archive Archived Sebteembar 23, 2023 // Wayback Machine
- The Guitar
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads