Hailemariam Desalegn

From Wikipedia, the free encyclopedia

Hailemariam Desalegn
Remove ads

Hailemariam Desalegn Boshe (Ge'ez: ኃይለማሪያም ደሳለኝ ቦሼ; dhashay 19 July 1965) waa siyaasi Itoobiyaan ah oo soo noqday raiisul wasaaraha 9aad ee itoobiya sanadihii 2012 ilaa 2018. Wuxuu sidoo kale horay u soo noqday raiisul wasaare kuxigeen iyo wasiirka arimaha dibada intii uu raiisul wasaare ahaa Meles Zenawi sanadihii 2010 ilaa 2012. Kadib geeridii Meles ee Ogosto 2012, Hailemariam wuxuu ku guuleystay jagada raiisul wasaarenimada, markii horena wuxuu ahaa ku sime. Kadib waxaa loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee kacaanka shacabka Itoobiya (EPRDF), xisbiga talada haya, 15kii Sebtember 2012. Hailemariam wuxuu kaloo noqday Gudoomiyaha Midowga Afrika sanadihii 2013 ilaa 2014.

Quick Facts Ra'iisul wasaarihii 9aad ee Itoobiya, Ambassador to Welcome ...

Wuxuu iska casilay jagada Raiisul Wasaarenimada Itoobiya iyo gudoomiyenimada xisbiga EPRDF 15-kii Febraayo 2018 iyadoo laga jawaabayo hoos u dhac ku yimid mudaaharaadyo ballaaran iyo qalalaase ka dhacay 2016. Is-casilaadiisa waxaa laga aqbalay 11-kii Maarso 2018, laakiin wuxuu kusii jiray xafiiska sii hayaha Ra'iisul-wasaaraha ilaa 2 Abriil. 2018. Hailemariam waa taliyihii ugu horreeyay taariikhda casriga ah ee Itoobiya ee xilka ka dega; madaxdii hore waxay ku dhinteen xafiiska ama la riday. Wuxuu sheegay inuu doonayo inuu baneeyo wadada dib u habeynta.


Remove ads

Noloshiisa hor

waxbarashada

xirfada siyaasadeed

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads