Keyn

From Wikipedia, the free encyclopedia

Keyn
Remove ads

Keyn wadarteeda loo yaqaano Keymo (ingiriis: Forest) waa dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah. Tiro badan oo dhir nooceeda, dhererkeeda iyo qaradeedu kala duwan tahay ayaa noqonaysa Keyn.

Keyn

Thumb
Keyn ka kooban geedo kala duwan

Oogada sare ee dhulka waxaa ku yaala keymo aad u badan kuwaas oo ku fadhiya 9.4% dhulka dunida. Si kale hadaan u dhigno keymuhu waxay qariyaan 30% dhulka qalalan ee dunida.

Intaas uun kuma koobna ee waxaa jira keymo biyaha ku dhex yaala. Waxaa ka mid ah keynta kelp.

Thumb
Keymaha Kelp ee biyaha ka dhex baxa.

Keymaha dunida ugu weyn waxaa ka mid ah Keynta Tayga ee ku fidsan labo qaaradood, taas oo ka soo bilaabanta Kanada kuna fidsan dhamaan wadanka Ruushka, iyo Rainforest oo ku taala wadanka Brasil ee Koonfur Ameerika.

Remove ads

Qeybaha Keymaha

Thumb
Keymaha alwaaxa ee dhaadheer.

Ayadoo la tixraacayo qaab-dhismeedka, dhererka, caleenta, alwaaxa, deegaanka iyo cimilada geedka ayaa Keymaha waxaa loo kala saaraa 28 qeybood.

Thumb
Keymaha dhererka gaaban leh.
  • 1. Keymaha leh Caleenta cagaaran ee qodaxda.
  • 2. Keymaha leh Caleen-qodaxeedka
  • 3. Keymaha isku dhexjirka caleemo balaadhan iyo caleen-qodax.
  • 4. Keymaha caleenta balaadhan ee waligeed cagaarka ah.
  • 5. Keymaha Caleenta balaadhan.



Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads