Bun
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Bun, Qaxwe (Af Carabi: قهوة; Af-Taliyaani : caffè; Af Ingiriis : coffee) waa midho la jajabiyey oo lagu kariyey biyo (inta badan kuleyl ah, laakiin mararka qaar waxaa jira mid qaboow) kaasi oo dadku cabaan. Sida caadiga ah, Bunku waa cabitaan ka mid ah cuntoda kaas oo laga sameeyo midhaha geedka bunka.[1] Geedka bunka oo lagu magacaabo Koffea wuxuu asal ahaan ka yimid wadanka Somalia maanta waxaa soo saara oo ka ganacsada in ka badan 70 wadan oo intooda u badan degan gobolada Dhulbadhaha ee ka mid yihiin labada Ameeriko (Koonfur iyo Waqooyi Amerika), koonfurbari Aasiya, Hindiya iyo wadano badan oo qaarada Afrika.
- Kani waa maqaal ku saabsan Bunka.
- Bogaga "Koofi", "Coffee" iyo "Qaxwe" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Labada nooc ee ugu caansan Bunka la isticmaalo waxay kala yihiin nooca loogu jecelyahay e Bunka Carabta iyo nooc ka khafiifsan oo lagu magacaabo Bunka Robusta.
Marka midhaha koofigu bislaado ayaa laga soo guraa geedka Caffea, ka dib waa la qalajiyaa, la jajabiyaa ilaa la baceeyo oo la dhoofiyo. Caalamka maanta aan ku noolnahay Bunku caan ayuu ka yahay, meelo badana waxaa looga isticmaala si joogto ah kaasi oo ka mid ah nolosha maalinle.
Bunka wuxuu leeyahay xoogaa asiidh ah (pH 5.0–5.1[2]) wuxuuna fifircooni siiyaa maskaxda dadka sababtoo ah wuxuu leeyahay aalada loo yaqaano "Kaffeine" oo ah mid lala qabsado. [3]
Midhaha koofigu waa kuwo yaryar, wareegsan oo leh midab madoow ah. Midhaha koofiga waa la burburiyaa si loogu dhex milo biyo iyo sonkor.
Markii la fiiriyo dhaqanka Soomaaliyeed, bunka waxaa inta badan la isticmaalaa habeenka iyo subaxa jimcaha. Gobolada qaar, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya waxaa caan ka ah bunka iyo cambuulada, Daango iyo Shaax; kuwaasi oo ah cunto fudud oo dadku isticmaalaan wakhtiyo badan. Bunka soomaaliya waa uu ka baxaa, laakiin wadanka ugu horeeyay aduunka oo bunka isticmaalay waxee eheed wadanka Itoobiya. Maanta bunka waxaa laga soo saaraa meelo badan oo caalamka ah.
Bunka waxaa kaloo loo isticmaalaa gaxwo ahaan oo dad ka soomaamiyeed aad u is ticmaalaan qaasatan subaxdii.
Remove ads
Asalka Bunka
Sidaa dhabta ah, dhaqanka cabbitaanka bunka wuxuu ka soo jeedaa waddanka Somalia.
Waxaa jira laba xogo oo ka hadlaya asalka qaxwada iyo imaanshaheeda Yaman: mid waxa ay u tiirisaa Jamaal-Diin al-Dhabhaani, ta kalena oo u muuqata inay ka saxsan tahay — waxa ay uu nisbaynaysa Cali bin Cumar al-Shadhili. Laba xog waxa ay isku raacsan yihiin hal qodob: in qaxwadu ka timid Saylac ama Berri Saylac (Bilad Zeila) ka hor inta aanay gaadhin Yaman, halkaas oo markii dambe lagu ogaaday.
Imaam Cabdulqaadir al-Jaziiri al-Xanbali (w. 977H) waxa uu qoraal ku sheegay in fiditaanka qaxwadu la xidhiidhay Jamaal al-Diin al-Dhabhaani. Waxa uu ka tegay Cadan, isaga oo safar ugu baxay Zayla, halkaas oo uu ku arkay dad cabbaya. Markii uu Cadan ku noqday ayuu isagu cabbay, wuxuuna dareemay in jidhku firfircoonaan ku helayo.
Qoraal kale oo qarnigii 16aad ah waxa uu xusay in qofkii ugu horreeyay ee Yaman qaxwada keena uu ahaa Cali bin Cumar al-Shadhili, isla markaana ay qaxwadu markii ugu horreysay lagu bartay Boqortooyada Barr Sa’d al-Diin (بر سعد الدين) iyo al-Jabart (الجبرت) (ama dhulka Soomaalida).
Manuskribyo kale ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Cali bin Cumar al-Shadhili ahaa qofkii ugu horreeyay ee Yaman qaxwada gaadhsiiyay:
Qoraal uu qoray Abuu Bakr bin Ismaaciil al-Makki al-Shaafici (w. 917H).
Qoraal kale oo uu qoray Xuseen Maxamed Murtaḍaa sanadkii 1191H.
Manuskrib uu qoray Ibn Mashra’ (917H) waxa uu ku sheegay fadailka bunka inay tahay “geed Janno ku beeran” oo ay bexeen 70,000 malag oo loogu yeedho “geedka tasalliga”. Markii Aadam (CS) dhulka loo dejiyay, ayuu geedkan Jannada kaga soo qaaday, kuna tuuray Zayla, halkaas oo uu ku baxay.
Qoraal maanseed la yidhaahdo Jalb al-Zaboon fi Madh al-Bunn, oo uu qoray taariikhyahanka iyo qoraaga Xamza al-Naashiri, ayaa isna xusaya in asalka beerista qaxwadu ka soo bilowday Zayla, ka dibna ay u gudubtay Yaman.
Remove ads
Sidoo kale eeg
- Shaax
- Matte
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads