Maskax

From Wikipedia, the free encyclopedia

Maskax
Remove ads

Maskaxda (Af Ingiriis : brain) waa qebta maamusha dhamaan xubnaha jidhka noolaha taasi oo ku taala madaxa. Waa meesha xukunta dareenka, dhaq dhaqaaqa ama nuux nuuxsiga, jirka oo dhan. Maskax da waxay leedahay Nerfayaal malaayiin ka badan.

Thumb

Maskaxdu waa xarunta awoodda jidhka,waxkastana iyada ka ayay ka dhacaan.Maskaxdu iyadaa xukunta fekerka,dhaqaaqa,cunista,barashada iyo neefsiga.Maskaxdu  waxay ka kooban tahay laba dhinac; dhinac midig iyo dhinaca bidix ee maskaxda[1]. Maskaxdu waxay ka dhisan tahay sadex qaybood oo waaweyn Seribrum,Seribulum iyo Jirrid maskaxeedda. Seriburum waa qaybta ugu ballaadhan waxa ka mid ah (Frontal lobe)lab hore,(Parietal lobe) laabka koodka,(Temporal lobe)iyo laabka dhafoorka (and Occipital lobe) laabka qadaadka.Maskaxdu waxa kale oo leedahay Laabka Seribulum lobe, laabka Limbic lobe iyo jirridda maskaxda.Maskaxdu waxay u dhisan tahay si qaabaysan.Sannadihii 1900kii  Cilmibaadhayaashu waxay ogaadeen meelo badan oo ay u bixiyeen bedadka Broadman.Qayb kasta oo ka mid ah qaybahaa waxay u gaar tahay inay farsamayso jaad(nooc) gaar ah oo war ah.Tani waxaa si la adeegsadaa cilmi baadhista maskaxda si ay u tilaamaanto qaybta maxkaxeed ee cilimi baaristu tilmaamayso.[2]

Dhamaan qaybahaa kala duwan ee maskaxda waxay xukumaan shaqooyin kala duwan ee jidhka iyo maanka.

Maskaxdu waa qayb ka mid ah hab dhiska dareenwadka iyadoo marka lagu daro Xangulada.Hawsha maskaxdu waa inay xukunto dhaqaaqyada,barashada,xusuusta,dareemista,xukumidda xubnaha iyo wax kasta oo aadamuhu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo.Maskaxdu waa u lagama maarmaan taasoo ah meesha ugu muhiimsan ee xukunta shaqa kasta oo maskadu qabto. Maskaxda aadamuhu marka uu dhasho waa 350 gram hase yeeshee marka ilmihu sannnadka jiro waxay kortaa ilaa 1 kiilo.Qofka qaangaadhka ah maskadiisu waa qiyaastii 1,2-1,5 kiilo.

Remove ads

Seeribrurum.[2][3][4]

Maskaxdu waxay ka koobantaa maskax weynta ama cortex,kazoo ka koobma somaaosisita,dendrititeistä ja gliasolustista,midabka qaybtaa maskaxda awugeed waxaa loo yeedhaa qaybta dambaska.daboolka maskaxdu waa muhiim fekerka iyo garaadka saree qofka waayo wuxuu suurtogeliyaa fiirsashada agagarka,fekerka,afka garashada iyo xusuusta.[2][3][4]

Diirka hoose waxaa lagu ogaada laablaabmida iyo dareerayaasha.Waxay suurtogeliyaan inay maskaxda qaado qalfoofka madaxa gudihiisa iyadoon iyadoon bed weyn qaadan.Laablaabmidu waxay suurtogelisaa inay maskaxdu ku shaqayso bed ama meel yar taasoo qofka uu suurtogelisa garasho iyo feker hormarsan.

Laabka hore

Waa mid ka mid ah laababka uu ka kooban yahay seeriburumku. Laabka hore waa qayb maskaxda ah ee xukunta shqaooyinka aad u horumarsan sida sababaynta,dareenka,is ogaanta,xal ama fururida mashkiladda iyo dadnimada (shaqsiyadda).[2]


Laabka koodka

Laabka koodka waa qaybta maskaxda ee tarjunta dareenka taabashada iyo heerkulka.Waxay kaloo tarjuntaa caalamadaha ka imanaya aragga,maqalka,dareemayaasha iyo xusuusta.Waxa kaloo ay masuul ka tahay garashada meelaha iyo marika aragga..[2]

Laabka dhafoorka

Waxa uu masuul ka yahay fahamka afafka(Wernikes area) iyo xusuusta.Waxa kaloo uu masuul ka yahay isku xidhnaanta maqalka iyo habdhismeedkiisa.[2]


Laabka qadaadka

laabka qadaadku waxa uu masuul ka yahay tarjumadda aragga sida midabka,iftiinka iyo dhaqdhaqaayada socodka aragga.[2]

Remove ads

Seribullum[2][4]


Seribullum waxa ku yaal Seeriburumka hoostiisa.Waxaa masuul ka yahay dhaqdhaqaaqa,dheellitirka qaabaaynta iyo iskuxirnaanta.Waxay kaloo xidhiidho la leedadahay afafka,xusuusta,digtoonaanta shqooyinka.Waxay leedahay laablaabyo badan,waxayna ka kooban tahay unugyo dareen wadayaal badan; una gudba ilaa maskaxda oo dhan.Taasoo siisa in seeribullumku yeesho awood mug weyn oo ka hawlgeliyo fariimaha,si kastoo ay tahay weli lama oga shaqada dhabta ee seeribullumka.[2][4]

Jirridda Maskaxda[2]

Jirridda maskaxdu waxay ku xidhan tahay xanguladda waxayna ku taal seeriburmka hoosteeda. Waa qaybta ugu mumiihsan maskaxda waxayna xukuntaa shaqooyinka shaqooyinka salka ah ee maskaxda waxaa kaloo ay xidhiidhisaa fariimaha qaybaha saree e maskaxda iyo xangulada. Jirridda maskaxdu waxay ka dhisan tahay saddex qaybood Maskaxda dhexe,boonas iyo Medhulaha.[2][4]

Maskaxda dhexe Waxay xukuntaa aragga,maalka iyo dareen wadaka aragtida,waxay kaloo u shaqaysaa ku meel gaadh ahaan ururinta fariimaha ka imanaya,waxay kaloo xukuntaa dhaqaaqa.[2]

Boonas

Waxaa masuul ka yahay hawlaha lagama maarmaan ka ah sida neefsiga iyo dheellitirka.[4]

Medhula Waxa uu masuul ka yahay shaqada sida cadaadiska dhiiga iyo neefsiga
Taxa Adimada (limbic system)

Taxa addimada waxaa loogu yeedhaa dareen maskaxeeka waxa uu xukumaa dareenada,dhaqanada himada sida gaajada,xusuusta.Waxaa laga helaa seeriburumka waxaana ay dhisan tahay afar qanjidh Amygdala,Hippocampus,Hypothalamus iyo Thalamus.[2]

Amaygalada

waxa uu masuul ka yahay garashada dareenadda sida cabsida iyo xusuusaha.Amygalada waxa uu ky yaal laabka dhafoorka waxaana uu ka kooban yahay laba yicibood in leeg kasoo ka samaysan walax dambas ah.[2]

Hibbokampus

Waxa uu masuul ka yahay caawinta xusuusta iyo garashada barashada.[2]

Hibothalamus

Wuxuu xukumaa hurdada,gaajada iyo shaqooyin kale oo xukuma cabsida duulista maskaxda aadamaha.Waxaa kaloo uu masuul ka yahay habdhaca garaacidda wadnaha.[2]

Thalamus waxa uu ka dhisan yahay bu`o kuwaasoo bu’ kasta leedahay shaqo u gaara. Fariin dareen walba waxay dhex martaa marka laga reebo urta.Bu’da thalamus fariimaha ka yimaada waxaa la geeyaa diirka hoose (cortex).Fariimaha ka yimaada diirka hoose na waxaa la geeyaa thalamus.Isku xidhnaanta thalamus iyo diirka hoose waxa lagu magacaabaa habka (thalamocortial).[2]

Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads