Shaadh

From Wikipedia, the free encyclopedia

Shaadh
Remove ads

Shaadh (Af Ingiriis : Shirt; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano Shaati, waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Shaadhku wuxuu ka mid yahay dharka ragga inkastoo dumarka laftoodu xidhaan noocyo shaadhadh ah oo loogu talogalay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]

Thumb
Suuq dharka lagu iibiyo oo ku yaala Karachi, Bakistaan.
Remove ads

Hordhac

Shaadhku wuxuu ka mid yahay dharka joogtada ah ee rag iyo dumarba. Shaadhku waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Shaadhku wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah raqabada, jeeb iyo galuusyo (badhano) badan oo laabta ku dhex yaala.[2]

Magaca

Ereyga Shaadh ama Shaati asal ahaan waa mid Af-Ingiriis ah oo waxaan ka soo xiganahay Shirt.[3]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[4] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[5][6]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Quick Facts

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads