YuutYuub
Goob la isku dhaafsado muuqaallada From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Youtube, loo qoro YouTube waa aalad internet maqal-iyo-muuqaal ah xarunteedu tahay San Bruno, Kaliforniya wadanka Mareykanka, midaasi oo isticmaalayaashu soo geliyaan maqal-muuqaal (video) kala duwan.Youtube waxaa sameeyay sadex dhalinyaro ah sanadkii 2005ta. Bishii Nofembar 2006da ayaa waxa websiteka Youtube lacag dhan US$1.65 bilyan ku iibsaday Shirkada Google oo ilaa maanta gacanta ku heeysa websitekaasi.[4].
- Kani waa maqaal ku saabsan aalada internetka maqal-iyo-muuqaalka ah ee Youtube. Isticmaalo kale fiiri "Youtube isticmaal kale".
YouTube maanta waxay ka mid tahay rukunada ugu waaweyn ee macaashka badan ka soo galo shirkada Google.[5] Websitekan wuxuu u shaqeeyaa nidaam ka duwan adeegyada kale ee laga helo internetka, waxaa isticmaalayaasha loo oglol yahay ineey soo geliyaan isla markaana wadaagaan maqal-muuqaal nooc kasta leh.
Sidoo kale waxaa la ogol yahay faaleynta, xarkeynta iyo kala sareeysiinta fiidiyoowyada laga helo websitekaasi. Isticmaalayaasha waxaa loo ogol yahay maqal-muuqalo ka kooban heeso, filimaan, xayaysiis iyo kuwo kala duwan. Sidaas ay tahay waxa jira noocyo badan oo fiidiyoow aan la ogolayn soo gelinta Youtubeka, gaar ahaan filimaanta galmada, anshax xumada iyo akhlaaq darida ah.
Remove ads


YouTube waa Website aad u caana oo qofwaliba fiidyawgiisa dhigan karo ama kaga qaybgali karo waxaa la aasaasy 2005tii waxa sameeyay sadex nin oo shqaale hore uga ahaan jiray shirkada PayPal waxa ay ku aasaaseen magaalda San Bruno Kaliforniya ee Maraykanka waxa loo adeegsadaa isticmaalka youtubeha teknoolijiga Adobe Flash waxa wabsaytkan laga daawankaraa aflaamta wararka heesaha iyo waxyaabo kale oo aad ubadan Waxa aasaaska youtubeha iska lahaa sadexda nin ee kala ah Chad Hurley, Steve Chen, iyo Jawed Karim. waxaanay ahaayeen shaqaale u shaqayn jiray shirkada paypal.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads