San Diego
From Wikipedia, the free encyclopedia
San Diego
/
n diːˈeɪɡoʊ/
waa caasimad weyn oo ku taala gobolka Kalifornia, ee wadanka Maraykanka, taasi oo xigta ama cidhifka u saaran Badweynta Baasifik ee Koonfurta gobolka Kaliforniya. Caasimadani waxay dhacdaa qiyaastii 120 mayl (190 km) koonfurta Caasimada Los Angeles waxayna xad la wadaagtaa wadanka Meksiko.
- Kani waa maqaal ku saabsan caasimada San Diyeego, Kaliforniya, Maraykanka. Haku khaldin Degmada San Diego
- Boga "San Diyego" waxaa laga soo toosiyay halkan.
San Diego, Kaliforniya | |
---|---|
Caasimada San Diego | |
Sawirada kor ilaa hoos, bidix ila midig: Dabaqyada dhaadheer San Diego, Buundada Koronado , Xarunta Balboa Park, Serra Museum ee Beerta Presidio iyo aqalka Old Point Loma lighthouse | |
Nickname(s): Caasimada ugu fiican Ameerika | |
Motto(s): Semper Vigilans (Latino u dhiganta "Waligeed Sareeysa") | |
Wadan | Maraykanka |
Gobol | Kalifornia |
Degmo | San Diego |
La aasaasay | Luuliyo 16, 1769 |
Dowlada hoose | Maarso 27, 1850[1] |
Dowlada | |
• Nuuca | Duq-magaalo[2] |
• Body | Golaha Caasimada San Diego |
• Duqa-magaalada | Kevin Faulconer[3] |
• Xeer ilaaliyaha Caasimada | Jan Goldsmith[4] |
• Golaha Caasimada[5] | Liiska
|
Area | 372.40 sq mi (964.51 km2) |
• Land | 325.19 sq mi (842.23 km2) |
• Water | 47.21 sq mi (122.27 km2) 12.68% |
Joogga | 422 ft (129 m) |
Highest elevation | 1,591 ft (485 m) |
Lowest elevation | 0 ft (0 m) |
Tirada dadka (Luuliyo 1, 2014)[9] | |
• Caasimad | 1,381,069 |
• Rank | 1aad Degmada San Diego 2aad Kaliforniya 8aad wadanka Maraykanka |
• Cufnaanta dadka | 4,003/sq mi (1,545.4/km2) |
• Urban | 2,956,746 (15aad) |
• Metro | 3,095,313 (17aad) |
Magac kale | San Diegan |
Aag saacadeed | UTC−8 (Pacific) |
• Xagaa (DST) | UTC−7 (PDT) |
ZIP kode[10] | 92101–92124, 92126–92132, 92134–92140, 92142, 92143, 92145, 92147, 92149–92155, 92158–92161, 92163, 92165–92179, 92182, 92186, 92187, 92190–92199 |
Area kode | Area kode 619, 858 |
FIPS kode | 06 66000 |
Astaanta GNIS | GNIS 4 |
Website | www.sandiego.gov |
Caasimada San Diego waxay leedahay bulsho lagu qiyaasay 1,381,069 sida ku xusan tirokoob dowlada dhexe ee Maraykanku sameeysay Luuliyo 1, 2014. Waxaa sidoo kale tirokoobtaasi lagu ogaaday in San Diego tahay caasimada sideedaad ee ugu bulshada badan wadanka Maraykanka, iyo magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Kaliforniya. Sida taariikhdu xustey, caasimada San Diego waa meesha ku dhalatay gobolka Kaliforniya[11] waxayna caan ku tahay cimilada degan sanadkoo dhan, biyaha dabiiciga ah, dekedaha dabiiciga ahee dhaadheer, xeebaha bilicda san leh, iyo rukunka ay u tahay Ciidamada Ilaalada Badaha Maraykanka (U.S Navy).
Taariikh ahaan waxaa deegaanka San Diego waligoodba soo degenaan jirey qabiilka Kumeyaay ee dadka asal ahaan loogu yimid qaarada Ameerika ee loo yaqaano Hindida Cas. Qiyaastii 1542dii ayaa sahamiyihii ugu horeeyay ee reer Yurub ahi yimid deegaanka San Diego; ninka la odhan jiey Juan Rodriuez Kabrillo oo ahaa Isbaanish ayaa sheegtay deegaanka San Diego asagoo matalaya boqortooyadaii Isbayn. Boqortooyada Isbayn oo wakhtigaasi gumeysaneysay deegaanda koonfurta Waqooyiga Ameerika oo u bixisey "Meksiko Cusub" ayaa deegaanka San Diego iyo meelo badan oo Kaliforniya ah ka abaabushay maamul hoos tega Meksikoda Cusub. Si kastaba ha ahaatee, 1821kii ayaa Meksiko xoriyada ka qaadatey boqortooyadii Isbayn, goortaasi oo Kaliforniya la jaanqaadey maamulkaasi cusub. Dagaalkii Mareykanka iyo Meksiko ee 1850kii ayaa Kaliforniya oo dhan ku raacdey wadanka Maraykanka, sidaasi oo San Diego ku noqotey cari Maraykan.
Caasimada San Diego waa fadhiga dowlada Degmada San Diego, waana xarun weyn oo dhaqaalaha iyo ganacsiga ee gobolka. Caasimada San Diego iyo Tijuana metropolitan waa mid ka mid ah deegaanda ugu bulshada badan galbeedka wadanka Maraykanka. Sidoo kale waxaa deegaankani caan ku yahay dalxiiska, tamashlaha, dabaasha, ganacsiga caalamiga ah, waxsoosaarka wershadaha, xarumaha ciidamada qalabka sida ee Maraykanka iyo xarumo waaweyn oo hoostega Wasaarada Difaaca Wadanka.
Sidoo kale waxaa San Diego ku yaala Jaamacada Kaliforniya, Xarunta San Diego oo ah mid ka mida kuwa ugu aqoonta badan deegaanka. Waxaa iyadna ku yaala Caasimadan iyo agagaarkeeda sheeybaadhyo cilmibaadhis, xarumo caafimaad iyo xarumo biyoteknooloji.