Nabi Muuse C.S.
Mabi ka mid ah anbiyada ilaahey / From Wikipedia, the free encyclopedia
Nebi muuse
Kani waa maqaal ku saabsan Nebi Muuse. Isticmaal kale fiiri Magaca muuse
Muuse Muusa Nebi Muuse Muuse binu Cimraan (ingiriis: Moses, Musa; carabi: ﻣﻮﺳﻰ, Mūsā, loogu dhawaaqo: "Muusa", sidoo kale: ﻋﻤﺮﺍﻥ ﻣﻮﺳﻰ, loo qoro: Mūsā Cīmran, "Muusa Cimran", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyska reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: Mōšéh ISO 259-3 Moše; loogu dhawaaqo: "Moose" ama "Moseh"; Hebrew: מֹשֶׁה, loogu dhawaaqo "Mosheh"; Hebrewga Cusub: Moshe, loogu dhawaaqo "Mooshe"; Af-Faarsi: ܐܫܘܡ, Moushe, loogu dhawaaqo: "Muushe") waa nebi iyo rasuul Ilaahay (s.w.t) u soo diray qoomiyadii Yuhuud[1] reer bani Israaiil, iyo Fircoon iyo qaraabadiisa iyo intii uu ku hoos noolayd ee uu maamulaayay.[2] Sida ay isku waafaqeen kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Muxamed, Kitaabka Injiil ee Masiixiyada, iyo diinta Bahay Nebi Muuse wuxuu ahaa hogaamiye diimeed,[3] xaakim, maamule shacabka, nebi iyo rasuul Alle (subxaanahu wa tacaalaa) siiyay Kitaabka Towraad[4] iyo Suxufta Muuse; kaasi oo loo diray in uu u digo boqorkii Fircoon ee maamulaayay deegaanada Masar iyo nawaaxigeeda, iyo shacabkii reer banii Israaiil kuu noolaa meeshaasi.[5] Sida ay qiyaaseen culimada taariikhda, Nebi Muuse wuxuu dhashay intii u dhaxaysay 1391 ilaa 1271 C.H (Ciise Hortiis) ama wuxuu dhashay sanadkii 1595 C.H.[6]
Dhinaca kale, dadka Hebrewga ahi waxay Nebi Muuse ugu yeedhaan (מֹשֶׁה רַבֵּנו)ּ "Muuse macalinkayagii" iyo "Muuse kii wax na baray". Waxa uuna yahay nebiga ugu muhiimsan ee aasaaska iyo saldhiga u ah diinta Judhiisamka. Sidoo kale, Nebi Muuse waa tiir muhiim u ah diimaha Islaamka iyo Masiixiga.[7] Nebi Muuse wuxuu ku dhashay deegaanka Gooshen ee dalka Masar, wuxuuna ku dhintey buurta Neebo ee deegaanada Macoow. Intaasi waxaa dheer, Muuse waxaa dhalay oo aabe u ah Cimraan, waxaana hooyo u ah Jojebed (Jochebed), wuxuuna ka tirsan yahay Qoyska Cimraan asagoo walaal la ah Nebi Haaruun iyo gabadha Miryama.[8][9]
Sida ku xusan kitaabka Egsodhuuska (Exodus), Nebi Muuse wuxuu dhashay wakhti shacabka reer Israaiil sii badanayeen, ayagoo ku hoos jiray maamulka boqor Fircoon oo asagu cadaawad adag u qabay dadkaasi, isla markaana adoonsan jirey dilina jirey raga beelahaasi.[10] Markii uu dhashay Muuse ayaa hooyadii Jojebed intey salad ku dhex riday ku tuurtay webi Niilka ayadoo kala cabsanaysa in ciidamada Fircoon dilaan wiilkeeda. Waxaana helay ilmahaasi yar shaqaalihii Fircoon oo u geeyay xaaskii Fircoon, qoftaasi oo go'aansatey ineey korsato ilmahaasi yar.[11]
Isku soo wada duuboo, Nebi Muuse markuu qaangaadh noqdey ayuu dagaal galay halkaasi oo u ku dilay nin ka tirsan qabiilkii Fircoon. Arintani waxay ku kaliftey inuu ka cararo dhulkii boqortooyada Fircoon ka talineysay. Wakhti ka dib, buurta Siinaay dhexdeeda ayaa Alle ugu soo waxyooday Nebi Muuse kuna faray inuu ku noqdo Fircoon iyo qoomkiisii uguna yeedho diinta Alle. Mucjisooyinka la siiyay Nebi Muuse waxaa ka mid ahaa ushiisa oo isku bedelaysay mas, iyo gacantiisa oo ileys iyo iftiin awood badani ka soo baxaayay.[12]
Isku soo wada duuboo, dagaalo badan iyo dhibaatooyin badan ka dib, Nebi Muuse wuxuu qoomkiisii u hogaamiyay deegaano ka fog maamulkii Fircoon, 40 sano ka dibna wuxuu ku dhintey saxara dhexdiisa.[13]