Towraad Towrah Kitaabka Towraad (carabi: ﺗﻮﺭﺍﺓ, macanaha "Sharci" "Qawaaniin", ﮐﺘﺎﺏ ﻣﻮﺳﻰ, "kitaabki Muuse", (משה בן מימו), "kitabul Musa"; Af-Hebrow: תּוֹרָה, micnaheedu tahay: "tilmaamid", "waxbarid" Af Giriig: Τορά, Πεντάτευχος; ingiriis iyo Af-Taliyaani: Torah, Tora, Tawrāt; ) waa kitaabka diinta Towraad ee Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Muuse. Intaasi waxaa dheer, kitaabka Towraad waa diinta iyo dhaqanka dadka Yuhuuda ah ee reer bani Israa'iil. Dadka raacsan diinta Towraad ee Yuhuuda ah waxay ku macneeyaan dhowr micno oo kala duwan. Waxaana ka mid ah:

  • Shanta kitaab ee loo yaqaano "Tanakh" taasi oo ah macnaha ugu muhiimsan ama inta ugu badan ay u yaqaanaan khubarada diinta Yuhuuda.
  • Sharaxaada iyo fahanka cutubyada Tanakh.
  • Soo degidii iyo ku dhanka Jenesiska (Genesis), oo ah kitaabka Hebrowga isla markaana ah aasaaska iyo saldhiga diinta Masiixiyadii hore, iyo dhamaadka Tanakh. Iyo,
  • Iskugeynta fahanka dhaqanka iyo diinta guud ee dadka reer Israaiil.
Qoraalka af-Carabi ee kitaabka Towraad.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay in kitaabka Towraad eey tahay waxyigii Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Muuse; kuwaasi oo uu qoray Nebi Muuse naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay kitaabka Nabi Muuse.

Nebi Muuse

Thumb
Nebi Muuse (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) waxaa Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Kitaabka Towraad.
Thumb
Miryama bintu Cimraan waa Nebi Muuse walaashiis.
Thumb
Nebi Muuse.

Muuse Muusa Nebi Muuse Muuse binu Cimraan (ingiriis: Moses, Musa; carabi: ﻣﻮﺳﻰ, Mūsā, loogu dhawaaqo: "Muusa", sidoo kale: ﻋﻤﺮﺍﻥ ﻣﻮﺳﻰ, loo qoro: Mūsā Cīmran, "Muusa Cimran", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyska reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: Mōšéh ISO 259-3 Moše; loogu dhawaaqo: "Moose" ama "Moseh"; Hebrew: מֹשֶׁה, loogu dhawaaqo "Mosheh"; Hebrewga Cusub: Moshe, loogu dhawaaqo "Mooshe"; Af-Faarsi: ܐܫܘܡ, Moushe, loogu dhawaaqo: "Muushe") waa nebi iyo rasuul Ilaahay (s.w.t) u soo diray qoomiyadii Yuhuud[1] reer bani Israaiil, iyo Fircoon iyo qaraabadiisa iyo intii uu ku hoos noolayd ee uu maamulaayay.[2] Sida ay isku waafaqeen kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Muxamed, Kitaabka Injiil ee Masiixiyada, iyo diinta Bahay Nebi Muuse wuxuu ahaa hogaamiye diimeed, xaakim, maamule shacabka, nebi iyo rasuul Alle (subxaanahu wa tacaalaa) siiyay Kitaabka Towraad iyo Suxufta Muuse; kaasi oo loo diray in uu u digo boqorkii Fircoon ee maamulaayay deegaanada Masar iyo nawaaxigeeda, iyo shacabkii reer banii Israaiil kuu noolaa meeshaasi. Sida ay qiyaaseen culimada taariikhda, Nebi Muuse wuxuu dhashay intii u dhaxaysay 1391 ilaa 1271 C.H (Ciise Hortiis) ama wuxuu dhashay sanadkii 1595 C.H.

Dhinaca kale, dadka Hebrewga ahi waxay Nebi Muuse ugu yeedhaan (מֹשֶׁה רַבֵּנו)ּ "Muuse macalinkayagii" iyo "Muuse kii wax na baray". Waxa uuna yahay nebiga ugu muhiimsan ee aasaaska iyo saldhiga u ah diinta Yehuudaka. Sidoo kale, Nebi Muuse waa tiir muhiim u ah diimaha Islaamka iyo Masiixiga.[3] Nebi Muuse wuxuu ku dhashay deegaanka Gooshen ee dalka Masar, wuxuuna ku dhintey buurta Neebo ee deegaanada Macoow. Intaasi waxaa dheer, Muuse waxaa dhalay oo aabe u ah Cimraan, waxaana hooyo u ah Jojebed (Jochebed), wuxuuna ka tirsan yahay Qoyska Cimraan asagoo walaal la ah Nebi Haaruun iyo gabadha Miryama.[4]

Thumb
Miryama oo ilaalinaysa caruurta Nebi Muuse.

Reer Cimraan

Cimraan Camraan Reer Cimraan (ingiriis: Amram, ʻAmrām, "Amran"; carabi: ﻋﻤﺮﺍﻥ, loo qoro: īmran, "Imran", loogu dhawaaqo: "Cimraan", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyskii reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: ʻAmrām; loogu dhawaaqo: "Camram"; Hebrew: עַמְרָם, loogu dhawaaqo "Amarami", Hebrewga cusub: Amram)[5] (macnaha ereyga Cimraan waa saaxiibkii kan ugu sareeya[6] iyo qofkii aadka u sareeyay) waa aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo seeyga ama odayga qaba Jojebed (Jochebed).[7] Cimraan waxaa meelo badan Ilaahay (s.w) kaga xusay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed.[8] Intaasi waxaa dheer, waxaa jirta suurad ka mid ah Quraanka oo loogu magac daray "reer Cimraan" waa Suuratul Al Cimraan (ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ).[9] Dhinaca kale, diinta Masiixiyada ee kitaabka Injiil ee Alle u soo waxyooday Nebi Ciise iyo qoraalo kale oo Giriig[10] iyo Laatiin ah waxay sheegeen in Cimraan aabihiis ahaa ninka lagu magacaabo Sebtuwajinti (Septuagint) kaasi oo ahaa nin sharaf iyo qadarin balaadhan ku dhex lahaa qoomkiisa iyo dadkii uu la noolaa wakhtigaasi.[11]

Qoyska Muuse

Thumb
Nebi Muuse (c.s) wuxuu ka mid ahaa Qoyska Cimraan.

Isku soo duuboo Qoyska Cimraan waxaa ka mid ahaa Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo xaas[12] ama oori Jojebed (Jochebed). Intaasi waxaa dheer, qoyskan waxaa ku abtirsada Maryama bintu Cimraan iyo dabcan wiilkeed Nebi Ciise, iyo Nebi Sakariye oo ahaa Maryama adeerkeed ama abtigeed.[13]

Nabiyada iyo Rasuusha

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamed waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka
(الأنبیاء والرسل في القرآن)
Nebi Aadam
Nebi Al-yasac
Nebi Ayuub
Nebi Ciise
Nebi Dulkifli
Nebi Daa'uud
Nebi Haaruun
Nebi Huud
Nebi Ibraahiim
Nebi Idriis
Nebi Ilyaas
Nebi Ismaaciil
Nebi Isxaaq
Nebi Luud
Nebi Muuse
Nebi Muxamed
Nebi Nuux
Nebi Saalax
Nabi Shuceyb
Nebi Sulaymaan
Nebi Yaxye
Nebi Yacquub
Nabi Yuusuf
Nebi Yuunus
Nebi Zakariye

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan[14] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[15] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed.[16] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[17]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

More information Magaca, Magaca Af-Carabi ...
Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi Muxamedﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪKitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciiseﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰKitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi MuuseﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰKitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uudﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩKitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahimﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ-Suxufi Ibraahim
Close

Kutubta Ku Xusan Quraanka

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[18] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Qoraalo La Mid Ah

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.