From Wikipedia, the free encyclopedia
Dawladda Deegaanka Soomaalida ama Soomaali Galbeed oo loo soo gaabiyo DDS waa maamulka iyo dowlada deegaada Soomaali Galbeed ee maanta ka tirsan dowlada Itoobiya.Dawladda Deegaanka Soomaalidu wuxuu ka mid yahay sagaalka dawlad deegaan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Wuxuu ku fadhiyaa dhulka bariga iyo bari-koonfureed ee dalka Itoobiya. Baaxadda dhulka waxa lagu qiyaasaa 350,000 km2.Deegaanku wuxuu ku dhacayaa inta u dhaxaysa loolka 40-110 Waqooyi iyo Dhigta 40 -48 0E Bari.
Somali Region (Deegaanka Soomaalida)
የሶማሌ ክልል | |
---|---|
Dawladda Deegaanka Soomaalida. | |
Qariirada Itoobiya oo muujinaya gobolka somaligalbeed | |
Dalka | Itoobiya |
Caasimadda | Jigjiga |
Dowlada | |
• Madaxweynaha Imminka | Mustafe Muxumed Cumar |
• Madaxweyne ku xigeenka kumeelgaarka ah | Ibraahim Cusmaan |
Area | 327,068 km2 (126,282 sq mi) |
Area rank | 2aad |
Tirada dadka (2017) | |
• Dhammaan | 9.654 million[1] |
Magac kale | Soomaali |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Furaha | +251 |
ISO 3166 code | ET-SO |
HDI (2017) | 0.409[2] low · 10th |
Deegaanku wuxuu xad la leeyahay, dhinaca konfureed waxa ka xiga Kenya, dhinaca bari iyo koonfur bari waxa ka xiga Soomaaliya, dhinaca galbeed iyo koonfur waxa ka xiga deegaanka Oromiya, dhinaca galbeed iyo waqooyi galbeedna waxa ka xiga deegaanka canfarta.Deegaanku inta uu ka sarreeyo badda waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 500-1600 meters. Cimilada deegaanka soomaalida waxa lagu qiyaasaa dhul daaqsin isugu jira oomane, dhul kooban oo hela roob ku filan iyo dhul ay maraan wabiyo kala duwan. Heer-kulka deegaanku wuxuu u dhaxeyaa 20-45°C Celceliska roobka degaanku helaa wuxuu u dhaxeeyaa 300-500 mm.
Tirada dadka ku nool deegaanka waxa lagu qiyaasaa 8.4 million (Tiro-koobkii la sameeyey 2007 - CSA census), 86% shacabka deegaanka waxay ku nool yihiin dhulka miyiga ah badankooduna waa xoolo-dhaqatoMaamul ahaan degaanku wuxuu ka kooban yahay 11 Gobol,6 maamul magaalo iyo 93 degmo.
Somali Galbeed waxee leedahay taariikh aad u dheer. gumeestihii ingriiska ayaa soo gumeestay dhamaadkii 1890ki, waxaana la dhihi jiray ingriiska somaliland, waxoona ku daray dalka itoobiya 1897. ingriiska markale ayoo isku dayay in oo ka soo saaro ogadenia dalka itoobiya,waa markii oo ingiriiska iyo talyaaniga ee wada shaqeen ee sameeyeen, sida ee gobolada soomaalida u miday lahaayeen. Waqtiga xukunka Diiriye Guure dhulka waxaa la odhan jirey Huwan.
Dagaalkii Labaad ee Aduunka itoobiya waxee isku dayday in ee qaadato, dhulka Eratareya iyo ogadenia. ingriiska dhul yar ayoo ka qaatay ogadenia oo ka bilaawdo, magaalada haud ilaa fransiiska somaliland oo hatta la dhoho Jabuuti. ingriiska dhulkaas ma ku darin itoobiya ilaa sanadka marka oo ahaa 1954tii. 1977 ayaa waxaa dhacday, dagaalkii xoreenta Soomaali galbeed, waa markii ee itoobiya dhibaateysay shacabka ogadenia, waagaas itoobiya waxee iskugu wici jirtay libaaxyada afrika, laakiin madaxweynihii soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dhulka soomaali galbeed ayaa aad uuga xumaaday, dhibaatada ee itoobiyaanka ku haayeen dhulkaas, waa markii oo duulaan ku qaaday itoobiya.ciidamada Soomaaliya iyo somaligalbeed, ayaa isku dayay, in ee itoobiya ka bixiyaan dhulka ogadenia. ciidmada soomaaliya waxee markaas gacanta ku haayeen dhulka ogadenia oo dhan.
98.82% waxaa looga hadlaa Af soomaali. luqadaha yar-yar oo looga hadlo waxaa ka mid ah Af Amxaari (0.67%), iyo Af Oromo (0.51%).
99.4% shacabka deegaanka waxee haystaan diinta Islaamka , 0.50% Karishtaanka Orthodoks, iyo 0.10% oo ah kuwo raaco diimo kale.[3]
Lam. | Sawirka | President (Dhalasho–Dhimasho) |
Muddada Xafiiska | Xisbi | |||
---|---|---|---|---|---|---|---|
Xafiiska la wareegay | Xafiiska ka tagay | Muddada | |||||
1 | Abdullahi Mohamed Sa'di | 23 Janaayo 1993 | Nofeembar 1993 | 10 Bilood, | Ethiopian Somali Democratic League (ESDL).[4] | ||
2 | Hassan Jire Qalinle | 1993 | Abriil 1994 | 1 Sanadka, | Ethiopian Somali Democratic League (ESDL) | ||
3 | Abdirahman Ugas Mohumed Qani | Abriil 1994 | 1995 | 1 Sano, | Ethiopian Somali Democratic League (ESDL) | ||
4 | Ahmed Makahel Hussein | 1995 | Juun 1995 | 4 Bilood,
15 Maalin |
Ethiopian Somali Democratic League (ESDL) | ||
5 | Eid Daahir Farah | Juun 1995 | Oktoobar 1997 | 2 Sano,
4 Bilood |
Ethiopian somali Democratic League (ESDL)]] | ||
6 | Mahdi Ayuub | Oktober 1997 | Oktober 1997 | usbuucyo
|
Ethiopian Somali Democratic League (ESDL).[5] | ||
7 | Khader Ma'alen Ali | Oktoobar 1997 | Oktoobar 2000 | 3 Sano, | Ethiopian Somali Democratic League (ESDL) (ilaa 1998) | ||
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | |||||||
8 | Abdulrashed Dulane | oktoobar 2000 | 21 Luuliyo 2003 | 2 Sano,
10 Bilood |
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | ||
9 | Abdi Jibril Ali | 21 Julaay 2003 | Oktoobar 2005 | 2 Sano,
3 Bilood, |
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | ||
10 | Abdullahi Hassan Mohamed ''Lugbuur'' | Oktoobar 2005 | Nofeembar 2008 | 3 Sano,
1 Bil |
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | ||
11 | Daud Mohamed Ali '' Daud Axmaar'' | Nofeembar 2008 | 12 Jul 2010 | 1 Sano,
9 Bilood |
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | ||
12 | Abdi Mohamoud Omar (Cabdi Ilay) | 12 Luuliyo 2010 | 08 Agoosto 2018 | 8 Sano,
1 Bil |
Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | ||
13 | Ahmed Abdi Sh.Mohamed (Ilkacase) | 08 Agoosto 2018 | 22 Agoosto 2018 | 14 Maalin, | Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) | ||
14 | Mustafa Muhummed Omer (Cagjar) (1970–) |
22 Aug 2018 | Hadda | Somali People's Democratic Party (ESPDP) (ilaa 03 Abriil 2019) | |||
Somali Democratic Party (SDP)[6][7] (ilaa 30 Nofeembar 2019) | |||||||
Prosperity Party[8] |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.