Cabdi Deeqsi

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Cabdi Deeqsi Warfa (Af Carabi : ar) caan ku ah Cabdi Sinimo wuxuu ahaa fanaan, heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan aad loogu aqoonsaday horumarinta Fanka Soomaalida wakhti dadku aqoon badan u lahayn fanka. Cabdi Sinimo waxaa loo aqoonsaday Aabaha Fanka Soomaaliyeed, sababatoo ah wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee sameeyay qaabka heeso Soomaaligu maanta u dhaco, asaga oo abuuray laxanka iyo habdhaca aasaaska u ahaa qaaciga iyo qaraamiga caanka ah.[1] Cabd Deeqsi wuxuu ku dhashay tuulada Jarahorate, Awdal, Somaliland wakhti lagu qiyaaso 1920kii. Wuxuu heesaha iyo fanka bilaabay qiyaastii 1940kii goortaasi oo uu sameeyay kooxda iyo fanka Balwo.

Boga "Cabdi Sinimo" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Quick Facts Cabdi Sinimo عبد سنيمو, Ku dhashay ...
Remove ads

Hordhac

Cabdi Sinimo wuxuu dhashay sanadkii 1920kii tuulada Jaarahorato ee 25 miyl waqooyi-bari ka xigta magaalada Borama ee Gobolka Awdal, maanta ka mid ah Somaliland. Cabdi Sinimo waxaa la dhashay 18 caruur ah, wuxuuna ahaa wiilka afaraad ee reerka ugu wayn. Qiyaastii 1944kii wuxuu magaalada Borama dhexdeeda ku abaabuley oo sameeyay kooxda Balwo, taasi oo soo bandhigtey fan iyo suugaantii ugu horeeysay ee dadka Soomaalidu maqleen wakhtigaasi.

Remove ads

Taariikh

Sida warbixinta lagu hayo, Cabdi Deeqsi Warfa "Cabdi Sinimo" wuxuu ahaa dirawalka iyo mulkiilaha gaadhi xamuulka iyo dadka u kala qaada magaalada Borama iyo Djibouti. Qiyaastii sanadkii 1943kii ayaa Cabdi Sinimo baabuurkiisi ku jabay meel u dhow Banka Giriyaad, wakhtigaasi ayuu sameeyay ereyada heestii ugu horeeysay uu ku luuqeeyay asagoo ka shaqaynaya baabuurka ka xumaaday. Heestaasi waxaa la yidhaahdaa Balwo; waxayna noqotay magaca iyo bilowgii suugaanta cusub ee Soomaalida iyo kooxdii ugu horeeysay ee fanaaniin leh: Kooxda Balwo.[2]

Balwooy! Hooy balwooy Waxa i baleeyey mooyaan Waxa i baleeyey baabuur Waxa i baleeyey Beerguba. . . .

Cabdi Sinimo, Qaamuuska Taariikhda Soomaaliya, 2003
Remove ads

Kooxda Balwo

Kooxda Balwo waxaa xubin ka ahaa:

  • Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
  • Kobali Ashad
  • Xuseen Aare Miicaad
  • Xaashi Warsame
  • Khadija Eye Dharar (Khadija Balwo)
  • Nuriya Atiq

Qoraalo La Xidhiidha

Cadaymo

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads