Kooxda Balwo
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Kooxda Balwo (Af Carabi : ar) waxay ahaayeen koox hobolo, fanaaniin, heesaa, majaajilo, ruwaayado, iyo bandhigyo faneed ku caan ahaa oo u dhashay wadanka Soomaaliya. Kooxda Balwo waa kooxdii ugu horeeysay ee sameysa heesaha jacaylka iyo kalgacalka ee Soomaalida, waxaana kooxda bilaabay Aabaha Fanka Soomaalida Cabdi Sinimo wakhti lagu qiyaasay sanadkii 1943kii.
Remove ads
Hordhac
Balwo waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida. Balwo waa heesihii ugu horeeyay ee jacayl iyo kalgacal ku salaysan kuwaasi oo muusik loo garaaco. Markii ugu horeeysay, heesahan waxaa sameeyay Aabaha Fanka Soomaalida Cabdi Deeqsi Warfa. Heesaha Balwo waxay ka bilaabmeen magaalada Borama, gobolka Awdal wakhti lagu qiyaaso intii u dhaxaysay 1940 ilaa 1945kii. Balwo waa hab iyo qeyb ka mid ah heesaha iyo Fanka Soomaalida taasi oo ah aasaas iyo sal u ah habka heeso Soomaaliga casriga ah. Heesaha Balwo waxaa bilaabay koox uu aasaasay aabaha fanka Soomaalida Cabdi Sinimo wakhti qiyaastii ku beegan 1935kii.
Remove ads
Taariikh
Sida warbixinta lagu hayo, Cabdi Deeqsi Warfa "Cabdi Sinimo" wuxuu ahaa dirawalka iyo mulkiilaha gaadhi xamuulka iyo dadka u kala qaada magaalada Borama iyo Djibouti. Qiyaastii sanadkii 1943kii ayaa Cabdi Sinimo baabuurkiisi ku jabay meel u dhow Banka Giriyaad, wakhtigaasi ayuu sameeyay ereyada heestii ugu horeeysay uu ku luuqeeyay asagoo ka shaqaynaya baabuurka ka xumaaday. Heestaasi waxaa la yidhaahdaa Balwo; waxayna noqotay magaca iyo bilowgii suugaanta cusub ee Soomaalida iyo kooxdii ugu horeeysay ee fanaaniin leh: Kooxda Balwo.[1]
Balwooy! Hooy balwooy Waxa i baleeyey mooyaan Waxa i baleeyey baabuur Waxa i baleeyey Beerguba. . . .
Cabdi Sinimo, Qaamuuska Taariikhda Soomaaliya,2003
Remove ads
Xubnaha Kooxda
Kooxda Balwo waxaa xubin ka ahaa:
- Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
- Kobali Ashad
- Xuseen Aare Miicaad
- Xaashi Warsame
- Khadija Eye Dharar (Khadija Balwo)
- Nuriya Atiq
Qoraalo La Xidhiidha
- Fanka Soomaalida
- Fanaan Soomaali
- Halabuur
- Filim
- Madadaalo
- Waxbarasho
- Sheeko
Cadaymo
- Abdullahi, Mohamed Diriye. Greenwood. ISBN 978-0-313-31333-2 http://books.google.com/books?id=2Nu918tYMB8C. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Johnson, John William. Indiana University Press. ISBN 1-874209-81-2 http://books.google.ca/books?id=NEbASn8qayUC. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)
Linkiyo Banaanka
- Agabka Muusiga Archived Diseembar 20, 2007 // Wayback Machine
- Oud Cafe
- shanqadha kabanka
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads