Boorama

Magaalo ku taala dalka Somaliland From Wikipedia, the free encyclopedia

Booramamap
Remove ads

Boorama (Af Ingiriis : Borama Borame iyo Boorame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee galbeed Somaliland, iyo fadhiga dowlada Degmada Boorama.

Quick facts Borama, Wadanka ...

Boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti.[2] Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 600,300 oo qof tirkoobki guud ee 2020. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.

Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.[3]

Guud ahaan magaalada Borama waa mid jawi degan oo nabad iyo aqoon lagu yaqaano.[4]

Remove ads

Asalka erayga

Magaca Boorama waxa uu ka yimid erayga booraan (pl. booraamo ) oo ah god dheer ama niyad jab juqraafiyeed (tusaale basin, doox). Magaalada waxa loogu magac daray dooxyada ku xeeran, magaalada Boorama oo la macno ah dooxyo

Taariikhda

Thumb
Dooxa Qorgaab ee ka baxsan Boorama

Si la mid ah magaalooyin dhowr ah oo u dhow sida Camuud , waxa deegaanka Boorama laga helay waxyaabo badan oo qadiimiga ah, kuwaas oo tilmaamaya dhacdo hore oo dhacday. Kuwa dambe waxaa ka mid ah hadhaagii qadiimiga ahaa ee qabuuraha , guryaha iyo masaajidda , marka lagu daro gogosha badeecooyinka Oriental-ka, gaar ahaan kuwa Shiinaha . Farshaxanada iyo qaab-dhismeedyadu waxay soo jireen xilliyo kala duwan oo taariikhi ah, laga soo bilaabo qarniyadii 12aad ilaa 18aad. Inta badan, si kastaba ha ahaatee, waxay ka soo jeedaan qarniyadii 15aad iyo 16aad, wakhti dhaqdhaqaaq ganacsi oo weyn oo gobolka ah oo la xidhiidha Adal Sultanate dhexe . Qodista laga soo saaray dabayaaqadii 1800-aadkii iyo horraantii 1900-aadkii in ka badan afar iyo toban goobood oo ku yaalla agagaarka magaalada Boorama ayaa laga soo saaray waxyaabo ay ka mid yihiin qadaadiic la sheegay in laga soo qaatay Kait Bey , oo ahaa Boqorkii siddeed iyo tobnaad ee Burji Mamluk Suldaankii Masar . Inta badan waxa la helay waxa loo diray Matxafka Britishka si loo xafido wax yar ka dib markii la helay. Nuskii hore ee qarnigii 20aad, Boorama waxa ay samaysatay qayb ka mid ah maxmiyaddii British Somaliland . Magaalada Boorame ee casriga ah waxa la aasaasay 1921-kii, waxaana aasaasay Ughaz Cilmi Warfaa , Ughaz ee Gadabuursi , oo amar ka soo qaatay Ingiriiska, oo dhidibada u taagay. Ka dib waxaa loo magacaabay degmo ahaan 1925. Sannadkii 1933-kii, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur , oo ahaa macallin Qur’aan ah , ahna wiil uu dhalay qaaddigii Boorama ( xaakimkii), ayaa hindisay qoraallo cusub oo lagu turjumay af-Soomaaliga Afro-Asiatic Kushitic . Hab qoraal ah oo sax ah , farta Boorama waxa inta badan adeegsan jiray Nuur, saaxiibadiisa magaalada iyo qaar ka mid ah ganacsatada gacanta ku haysa ganacsiga Saylac iyo Boorama. Ardayda Sheekh Nuur ayaa sidoo kale la baray adeegsiga farta. . Alifbeetada sidoo kale guud ahaan waxaa loo yaqaanaa farta Gadabuursi . Xornimada ka dib , Boorama waxa lagu maamuli jiray qayb ka mid ah maamulka rasmiga ah ee Awdal ee Soomaaliya. Intii lagu jiray dagaalkii Ogaadeeniya ee dabayaaqadii 1970-aadkii, Boorama waxay ka mid ahayd dhawr magaalo oo waqooyi ah oo ay hawada ku duqeeyeen ciidamada Itoobiya ee la safan Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed .

Remove ads

Juquraafi

Meesha ee ku taalo magaalada Boorama waa dhul buuroleey ah oo mararka qaar Dhulgariir ka dhaco. Boorama waa magaalada kaliya oo ugu dhul gariir badan wadanka jamhuuriyada somalia iyadoo dhul gariiradii ugu badnaa ay ka dhaceen Boorama sanadka markuu ahaa 1980 wakhtigaas oo magaalada Boorama ka dhacay dhul gariiro aad u fara badanaa, sidoo kale waxa la dareemay sanadkii 2011. Sidoo kale dhulgariirka waxoo gaaraa magaalooyinka kale oo ku yaalo gobolka Woqooyi Galbeed.[5] Magaalada Boorama meesha eey ku taalo waa meel qaboow adag ka dhaco wakhtiyada jiilaalka ee u dhexeeya bilaha November ilaa February, waana meel jawigeeda isbadalo.Sidoo kale magaaladu waxey leedahay dhul daaqsiimeey cows badan oo xayawaan badani ku nool yahay. Juquraafi ahaan beesha magaalada Borama ku nooli waxay deegaan ama aay xudoodo la leeyihin sedex beelood oo ka mid ah beelaha Somalida: Ciise oo dhanka Jabuuti ah Isaaq oo aay dhanka Somaliland isla dagaan iyo Ogaaden ooy Ethopia wada dagaan; taasina waxay ka dhigtay dad dhaqan kastaba fahami kara, furfuran oo ka ilbaxsan reeraha kale.[6]

Thumb
Boorama

Dhismaha magaalada

Boorama waxee ka midtahay magaalooyinka aad u soo korooyo, magaaladaan waa magaalo ee dhismo ku socoto,waa magaalada ugu quruxda badan woqooyi galbeed. Waana magaalo leh garoon diyaaradeed. Borama waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu cimilada wanaagsan geeska afrika, waana meel aya aad ugu helaan dalxiisayaashu, waa meel biyaha aad ugu qani ah. Borama waa magaalada kaliya ee ayna saamayn dagaalada sokeeye ee ka kadhay dalka, waa magaalo aad u nabadbadan yadoo ay ajaanibku aad u jecelyihiin.[7] Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud, jaamacadan waxay kulmisa dhammaan arday soomaliyeed ee ku kala nool wadanka somalia yadoo ay jaamacadan ay isugu imaadaan. sidoo kale waxa ay leedahay jaamacada Elo- university oo kaalinta sadexaaad ka gashay heerka waxbarasho ee jaamacada soomaaliya qiimanyntii sanadka 2014. Borama waa magaaladii lagu aas aasay Dawlada Somaliland, waa magaalo dadka ku nooli ay nabada aad u jecelyihiin.[8]

Remove ads

Tirakoobka dadweynaha

Gobolka Awdal ee ay magaaladu ku taallo waxa inta badan dega beesha Gadabuursi ee Dir oo si gaar ah u metesha oo lagu tiriyo beesha ugu badan ee gobolka. ​ Federico Battera (2005) wuxuu ka sheegay Gobolka Awdal : "Awdal waxa dega inta badan ururka Gadabuursi ee beelaha." Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ay daabacday Canada: Immigration and Refugee Board of Canada (1999), ayaa ku sheegtay Awdal : "Beesha Gadabuursi ayaa ka talisa gobolka Awdal, taasina waxay keentay in siyaasadda gobolka Awdal ay ku dhowdahay inay la mid tahay arrimaha beelaha Gadabuursi." Roland Marchal (1997) wuxuu sheegay in tiro ahaan, Gadabuursigu ay yihiin dadka ugu badan ee deggan Gobolka Awdal : "Tirada Gadabuursi ee Awdal waxay hubaal ka dhigaysaa in danaha Gadabuursi ay wadaan siyaasadda gobolka." Marleen Renders iyo Ulf Terlinden (2010) labaduba waxay sheegeen in Gadabuursigu ay si gaar ah u deggan yihiin Gobolka Awdal : “Awdal ee galbeedka Somaliland waxay u dhaxaysaa Jabuuti, Itoobiya iyo dhulweynaha Somaliland ee Isaaqu degan yahay, waxa deggen ugu horrayn saddexda beelood ee beesha Gadabuursi ka kooban tahay, kuwaas oo hay’adoodii dhaqanku ka badbaadeen gumaysigii, dawladnimadii Soomaaliya iyo dagaalladii ka dhacayna si wanaagsan bay u socdaan, welina si habsami ah u shaqaynaya, aadna ugu xidhan nabadgelyada guud. Waxa kale oo jira tiro aad u tiro yar oo ka tirsan beesha Ciise ee Dir oo inta badan degta degmada Saylac.

Remove ads

Ilaha dhaqaalaha

Dhaqaalaha magaalada boorama waxee ku tiirsantahay xoolaha iyo beeraha, Waa magaalo ku dadaasho horumarka, sidoo kale waxee leedahay hoteel aad u casriyeesan (Hotel Rays) oo ah Hoteelka Somaliland ugu qurxoon.Inkastoo ee magaaladaan ka tirsantahay dalka somaliland oo aan ictiraaf ka haysan dunida hadana dhaqaalo fiican bay leedahay.Magaalada boorama waxaa laga joojiyay shilin soomaaligii lagu ne badalay lacagta jamhuuriyada Somaliland.

Remove ads

Waxbarashada

Magaalada Boorame waxa ay aad ugu fiicantahy dhanka waxbarashda, waxeyna leedahay dugsiyo iyo jaamacado wax laga barto oo tayo leh oo ay kamid yihiin Jaamacadaha Camuud & Eelo oo loogu yimaado mandiqada Geeska Africa.

Borama waxa loo yaqaana Hoyga Wax-barashada Soomaaliyeed.

Magaalada Borama ma ahan magaalo madaxda gobolka Awdal oo kali ah ee sidoo kale waa xudunta waxbarashada. Waxaa ku yaala magaalada in ka badan 100 dugsi oo iskugu jira Dugsiyo Hoose, Dhexe iyo Sare. Dugsiyada sare ee ugu caansan magaalada waxaa ka mid ah: Al Aqsa Secondary School, Sh. Ali Jowhar Secondary, Ubaya- Ibnuka'ab Secondary School, Hassan Ardale Secondary School, Aayatiin Secondary School, Waaberi Secondary School, Al Qalam Secondary School, Al Nuur Secondary School and Adam Isaak Secondary School.

Sidoo kale magaalada Borama waa hoyga Jaamacadda Camuud oo ah jaamacadii ugu horeeysay ee laga aasaaso cariga Soomaaliyeed burburkii dowladii Siyaad Bare ka dib. Jaamacada oo dhacda 5km bariga caasimada ayaa waxa dhigta kumanaan ardey ah oo ka kala yimid meelo kala duwan oo ka tirsan mandaqada Bariga Afrika. Waxa iyadna caasimadan ku taala jaamacada heerka sare ah ee EELO American University oo tiirka loo dhigay sanadkii 2005, iyo waliba SAW Community College. [9]

Waxa iyadna xusid mudan in caasimada Borama tahay hooyga Dugsiga Dhagoolayaash oo ah midkii ugu horeeyay ee laga furo gayiga Soomaaliyeed. Dugsigan dhagoolayaasha waxa uu tababar iyo waxbarasho lacag la'aan ah u fidiyaa dhammaan dadka dhagoolayasha.

Bulshada magaalada Borama waa dad aqoonta aad u tix-galiya taageero fiicana siiya horumarinta wax-barashada. Waxa lagu qiyaasaa in 95% shacabka magaaladu leeyahay aqoon dugsi dhexe, in ku dhow 30% eey aqoon heer jaamacadeed taasi oo iskugu jirta dal iyo dibad.[10]

Remove ads

Gaadiidka Safarka

Gaadiidka ugu muhiimsan ee magaalada Borama waa gaadiidka dhulka kaasi oo isku xidha wadanada Jabuuti, Itoobiya iyo magaalada Borama iyo inta ee Somaliland. Sidoo kale waxay magaalada Borama leedahay Gegada Diyaaradaha Borama (Borama Airport) inkastoo aanu shaqaynin sanadan dambe, balse ay jirto rajo ah in dib u dhis lagu sameeyo.[11][12]

Dadka Caanka Ah

Dad badan oo heerar kala duwan ah ayaa magaalada Borama deegaan ku ah. Kuwaasi waxaa ka mid ah:

  • Muuse Rabiile good* wasiirka keenay Gobalka ay dagmadani ku taalo ee Awdal
  • Daahir Rayaale Kaahin, madaxweyihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland
  • Cabdiraxman Saylici, madaxweyne ku xigeenka Somaliland
  • Yusur A.F Abraar, maareeyaha sare ee Bankiga dhexe Soomaaliya
  • Dr.Abdirahman Ducale Bayle Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee Soomaaliay ahna Madaxa mashaariicda dibada ee Afrika Development Bank
  • Cabdisalaam Cumar, wasiirka arimaha dibeda ee Soomaaliya

Magaalo Mataan

Magaalada Borama waxay mataan la tahay magaalada Henley ee wadanka Ingiriiska, taasi ooy leeyihiin xidhiidh aad u fiican.

More information Wadanka, Magaalada ...

Sidoo Kale Fiiri

Xusuusin

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads