Cali
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Remove ads
Cali bin Abii Daalib (ingiriis: Alī ibn Abī Tālib; carabi: ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ; magaca dhamaystiran Cali ibn Abi Daalib "ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ") dhashay 13kii Rajab 22 H.K Sebtembar 20, 601 Makka dhulka jasirada carabta, isla markaana dhintey 21kii Ramadaān 40 H.K ≈ Janaayo 27, 661 C.D Kuufa, Ciraaq, wuxuu ahaa ina adeerka iyo wiilka sodoga u yahay Nabi Muxamed, hogaamiyihii shanaad ee Dawladda Islaamka, asxaabi ka mid ah Kulafo Raashidiinta iyo mid ka mid ah asxaabta rasuulka.[1][2]
Khulafo Raashidiin |
Wakhtiga Hogaanka: 8 Juune 632 – 23 Ogosto 634 (27 bilood) Wakhtiga Hogaanka: 23 Ogosto 634 C.D – 03 Nofember 644 C.D Wakhtiga Hogaanka: 644 C.D ilaa 656 C.D Wakhtiga Hogaanka: 656 C.D ilaa 661 C.D |
Dhamaan Khulafada
Khulafo Raashidiin (632-661) Khulafadii Umawiyiinta (661-750) Khulafadii Cabaasiyiinta (750-1258) Khulafadii Cusmaaniyiinta (1517-1924) |
Cali waa kan ugu horeeyay ee da'dyarta ka mid ah oo qaata diinta islaamka, Ahlu sunaha agtooda waa Khaliifkii Afaraad ee Khulafo al-Raashidiinta; sidoo kale dadka raacsan Shiicada waxay u aqoonsan yihiin Imaamkii kowaad iyo kan xaqa u leh ee ku xiga Nebi Muxamed.
Cali wuxuu la wareegay khilaafada ka dib markii Cusmaan bin Cafaan la dilay 35H/656, wuxuuna haayay ilaa 40H/661, mudadii uu xilka haayay waxey ku sifeesneyd xasilooni la'aan, fitnadii ka dhalatay dilka khaliifka sadexaad Cusmaan bin Cafaan ayaa umada kala qeybisay waxaana dhacay dagaalo u dhaxeeya muslimiinta dhexdooda.
Remove ads
Waa Cali bin Abii daalib bin cabdi mudalib bin haashim bin cabdi manaaf bin qusayyi bin kilaab bin mura bin kacab bin lu'yyi bin gaalib bin fihir bin maalik bin nadar bin kinaana bin khuzeyma bin mudrika bin ilyaas bin mudar bin nazaar bin macad bin cadnaan.
Hooyadii faaduma binti Asad bin haashim bin cabdi manaaf bin qusayyi bin kilaab.
Hooyadii iyo aabihiis waa ilmo adeero wuxuu sidaas ku ahaa iska dhal banuu haashim.
Remove ads
Cali waxa uu ku dhashay makka, shiicada waxey qabaan inuu ku dhashay gadaha kacbada[3][4][5][6], laakin al-sunaha agtooda kama sugnaan warkaas, waxaa sidoo kale khilaaf ka jiraa sanadka uu dhashay, wuxuu uu wariyay ibnu isxaaq inuu dhashay toban sano ka hor bicathada nabiga scw, ibnu xajar ayaa rajaxay warkaas[7]. Waxaa jiro warar kale, iskuu soo duuduub waxaa leysku hayaa sanadihii 600, 598, 599.
Cali waxa uuna ahaa ilmaha abuu daalib kan ugu yaraa, markuu jiray shan sano ama ilx sano waxaa dhacday abaar saameyn ku yeelatay abuu daalib, rasuulka scw iyo cabaas ayaa u bandhigeen abuu daalib inay la koriyaan ilmaha, waxa uu qaatay nabiga scw Cali, halka Cabaas uu qaatay Jacfar[8],
Cali waxa uu ku soo koray guriga nabiga scw, wuxuuna ahaa mid laazimo meel walba uu aado[9][10], Cali ilaahay wuu ka dhooray noloshiisa inuu sanab u sujuujo sidaas darteed ayee muslimiinta u raaciyaan magaciisa erayga "karama Allahu wajahah"[11].
Remove ads
Qoyska Cali bin Abi Daalib waa aabihiis Dalib ibn Cabd al-Mudalib, hooyo Fatima bint Asad, labo gabdhood iyo sadex wiil ooy walaalo yihiin, todoba xaas, sadex-iyo-toban ilmo ah oo u kala baxa toban-iyo-kow wiil iyo labo gabdhood.
Aabe: Dalib ibn Cabd al-Mudalib
Hooyo: Fatima bint Asad
- Walaal
- (abaayo)
- Walaal
- (aboowe)
- Xaaska
- Fatima
- Umamah bint Zainab
- Umm ul-Banin
- Leyla bint Mascuud
- Asma bint Umays
- Khawlah bint Jacfar
- Al Sahba'bint Rabicah
- Wiilasha uu dhalay
- Muhsin ibn Cali
- Xasan ibn Cali
- Xuseen ibn Cali
- Hilal ibn Cali
- Al-Cabbas ibn Cali
- Cabdullah ibn Cali
- Jacfar ibn Cali
- Cusman ibn Cali
- Cubaydu-llah bin Cali
- Abi Bakr bin Cali
- Muxamad ibn al-Xanafiyyah
- Cumar bin Cali
- Muxamad ibn AbiBakr (soo korsaday)
- Gabdhaha uu dhalay
Remove ads
- Khulafo Raashidiin
- Cumar bin Khattab
- Abu Bakr al-Sadiiq
- Cusmaan binu Cafaan
- Cali bin Abi-Dalib
- Umawiyiin
- Mucawiye
- Islaam
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads