Mucawiya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Mucaawiye bin Abii Sufyaan (ingiriis: Muawiyah I; Carabi: معاوية ابن أبي سفيان), loogu dhawaaqo: Muʿāwiyah ibn ʾAbī Sufyān; 602 – April 29 or May 1, 680) waa asxaabiga dhisay boqortooyadii Umawiyiinta[1] ee ku xigtey maamulkii Khilaafada Raashidiinta .[2] Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii labaad ee khaliif noqda kaas oo ka soo jeeda qabiilka Umawiyiinta [3].

Xoogagii adkaa ee Khulafo Raashidiintu samaysay kuwaas oo ugu dambeeyay Calli wakhtigii Fitnadii Kowaad
Gobolada uu maamulayay Mucaawiye goortii ay bilaabantey Fitnadii Kowaad
Goboladii uu gacanta ku hayay Cumar ibn al-Cas wakhtigii Fitnadii Kowaad


Wakhtigii uu noolaa Nebi Muxamed (n.n.k.h) Mucaawiya wuxuu xoghaye[4] u ahaa nebiga, taas oo xataa markuu dhintey uu jagadaasi u sii hayay khulafadii la wareegtay hogaanka dowladii Islaamka sida Abu Bakar iyo Cumar .[5] Intaas waxaa dheer, Mucaawiya wuxuu ka qayb galay dagaalo badan iyo qaswado xoog leh, waxaana tusaale fiican inoo ah dagaalkii lagu furtey Suuriya ee lagaga guuleystay boqortooyadii Baaysantiin, deegaankaasi oo markii dambe lagu wareejiyay hogaanka Mucaawiya.[6]
= Noloshii Hore ee Mucaawiya =wuxuu ahaa nin geesi ah oo la holin wayo
Remove ads
Abtirsiinta Mucaawiya
Cabdi Manaf ibn Qusayyi | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Cabdi Shams | Hashim ibn Cabdi Manaf | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Umayya | Cabdi mudalib | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Abu'l-Caas | Xarbi | Cabdi Laahi | Abuu Daalib bin Cabdi Mudalib | Cabaas (Cabaasiyiinta) | Safiya binti Cabdi Mudalib | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Cafaan | Xakam | Abu Sufyaan | Nabi Muxamad SCW | Cali | Cabdullaahi bin Cabbaas | Zubeyr bin Cawaam R.C | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Cusmaan binu Cafaan | Marwan I | Yaziid bin abii sufyaan | Mucaawiye I | Xasan ibn Cali | Xuseen ibn Ali | Cabdi Laahi ibn al-Subayr sidoo kale wiilkii Abu Bakr awoowga u ahaa | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Yasiid I (Yasiid ibn Mucaawiye) | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Remove ads
Maamulkii Mucaawiya
Umawiyiinta
Khulafadii Umawiyiinta (ingiriis: Umayyad Caliphate; carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻷﻣﻮﻳﺔ ama ﺍﻷﻣﻮﻳﻮﻥ) waa waa dowladii Islaamka ee maamulka kala wareegtay Afarta Khulafo taasi oo uu aasaasay Khaliifka 5aad ee ku xigay Khulafo Raashidiinta. Boqortooyada Dawladdani waxaa sameeyay asxaabiga weyn ee Mucaawiya wakhti ka dambeeysay dhimashaddii Nebi Muxamed (c.s.w).[13] Boqortooyada waxaa aasaasey Mucawiya (af-carabi: ﺍﻷﻣﻮﻳﻮﻥ, ama ʾUmawiyyūn, sidoo kale ﺑﻨﻮ ﺃﻣﻴﺔ, Banū ʾUmayya) taasi oo saldhig u ahayd magaalada barakeysan ee Makka.[14] Ka dib maamulkii Cusmaan binu Cafaan (644–656), waxaa hogaanka dowladii Islaamka la wareegay Mucawiya binu Sufyaan oo si xoog ah ku qabsaday maamulka isla markaana ka dhigay hogaanka Islaamiyiinta mid dhaxaltooyo ah. Mucawiya wuxuu wakhti dheer masuul ka ahaa gobolada dalka Suuriya, markuu la wareegay maamulka dowladii Islaamkana wuxuu magaalo madax ka dhigtey caasimada Dimishiq.[15]
Si kastaba ha ahaatee, wakhtigii Umawiyiintu haysay hogaanka boqortooyadii Islaamka waxay gaadhsiiyeen dhul aad u balaadhan ayagoo qabsadey waqooyiga Afrika, dhamaan deegaanada Bariga dhexe, meelo ka mid ah Aasiyada kore ilaa meelo badan oo koonfurta Yurub ah sida wadanada Isbayn, Giriig iyo gasiiradaha u dhow.[16] Markey Dawladda Umawiyiintu mareysay meeshii ugu sareeysay waxay heeysatay dhul aad u balaadhan oo dhan 5.79 mayl labalaaban (15,000,000 km2), taasi oo ah boqortooyadii ugu balaadhneyd ee dunidu aragto iyo mida shanaad ee ugu weyn waligeed.
= Dhimashaddiisa ='
Remove ads
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads