Camuud

From Wikipedia, the free encyclopedia

Camuudmap
Remove ads

Camuud (Af Ingiriis : Amud or Amoud, Af Carabi : ar) waa deegaan qadiimi ah iyo magaalo wakhtiyo hore jirtey taasi oo maanta dhacda waqooyi-galbeed gobolka Awdal, Somaliland.[1] Deegaanka waxaa loogu magacdaray sheekh wakhtiyo hore deegaanka joogi jiray oo la yidhaahdo Sheekh Camuud[2]

Quick Facts Wadanka, Gobolka ...

Deegaanka Camuud (Amoud Valley) waa dhul beeroleey ah oo dhaca 5 km waqooyi bari magaalada Borama. Deegaankan oo leh dooxyo dhowr ah, sida Dooxa Qoor-gaab, ayaa waxuu caan ku yahay beeraha khudaarta iyo midhaha. Jaamacadda Camuud waxay ku taalaa koonfurta deegaanka Camuud, taasi oo ah meesha loogu magac daray jaamacada.[3]

Remove ads

Hordhac

Qisaastii wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya ayaa wuxuu dhisay dugsi sare oo loogu magac daray deegaanka Camuud, waa Dugsiga Sare ee Camuud. Tan iyo wakhtigii dowladii Siyaad Bare dugsiga Camuud wuxuu ahaa iskool ardeydu wax ka bartaan isla mar ahaantaana dhex dagan yihiin, sababtoo ah magaalada wuu ka go'naa dugsiga sare ee Camuud.[4]

Ka dib, burburkii dowladii Soomaaliya ayaa keenay in dugsigii sare isna burburo, kaasi oo dib loo soo nooleeyay sanadkii 1996dii markii la isla gartey in laga dhigo Jaamacada Camuud.[5]

Remove ads

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads