Chalcogen

From Wikipedia, the free encyclopedia

Chalcogen
Remove ads

G 15aad < Guruubka 16aad > G 17aad


Thumb
Curiyaha Salfar.
Thumb
Curiyaha Seleniyaam.
Thumb
Curiyaha Teluriyaam.


Jaalkojiin (Chalcogen) sidoo kale loo yaqaano Guruubka Ogsajiinta ama Guruubka 16aad waa guruub curiye kimiko ee qeybta 16aad ee safafka Diwaanka Curiye. Guruubkan wuxuu ka kooban yahay lix curiye kuwaas oo kala ah: Ogsajiin (O), Salfar (S), Seleniyaam (Se), Teluriyaam (Te), Boloniyaam (Po) iyo Lifermoriyaam (Lv).

Inta badan Ogsajiinta waa laga reebaa guruubkan Jaalkojeenka, sababtoo ah waxay leedahay astaamo iyo calaamado ka duwan inta kale ee guruunkan. Salfartu waa curiye dadku aqoon u lahaayeen tan iyo qarniyo hore. Laakiin curiyeyaasha Seleniyaamta, Boloniyaamta, iyo Teluriyaamta waxaa la helay qarnigii 19aad, halka Lifermoriyaamta la helay sanadkii 2000.

Curiyaha ku jira guruubkan 16aad kuwooda fudud sun ma ahan, laakiin kuwa miisaanka culus waa sun waxyeelayn karta noolaha. Dhinaca kale, curiyaha Boloniyaam waa midka kali ah ee radioactive ka ah guruubkan.

Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads