Ciddi
xubin ka mid ah jirka From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Ciddi Ciji, Cinji, ama Cijo (Af Ingiriis : Nail; , Af Carabi : لاسعانود) waa cad gees la moodo xalleefsan oo ka baxda faraha foodooda sare, wadardeedu waa Ciddiyo, waa carjow adag oo faraha dadka, xoolaha iyo in badan oo xayawaanka leeyihiin.

Remove ads
Faallo
Cidiyuhu wiligood way baxaan hadii aan la jarin, duqooshinka 60 jirka ah cidiyahooda waxay baxaan 0,1 mm maalintii, kuwa 32 jirka ahna 0,123 maalintii. Cidiyaha badanaa waa la qurxiyaa oo dumarka ayaa cilaan iiyo walxo kale oo midabo leh ku xardha, iyagoo ka caawiya ka ilaalinta dildilaaca iyo xanuunada ka soo gaara biyaha ay faraha kula jiraan,


Cidiyuhu waxay ka soo baxaan faraha gacmaha iyo lugaha xayawaanka oo dadku ka mid yahay. Dadku waxay leeyihiin shan cidiyood oo ku afka hore ee faraha gacan kasta iyo lug kasta. Wadarta cidayaha dadku waa labaatan (20) cidiyood.
Xoolaha iyo xayawaanka naasleyda ah cidiyaha ku yaala wey kala duwan yihiin oo kala tiro duwan yihiin taas oo ku xidhan tirada faro ah ee noolahaas leeyahay.
Xayawaanka duurjoogta ah, sida libaaxa, shabeelka, butida iyo wixii la mid ah, iyo in badan oo gurijoog ah, sida bisada iyo eyga waxay leeyihiin cidiyo dhaadheer oo awood badan taas ooy u isticmaalaan ugaadhsiga isla markaana ku waxyeeleeyaan neefka ay dilayaan.
Remove ads
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads
