Cimaamad

From Wikipedia, the free encyclopedia

Cimaamad
Remove ads

Cimaamad (Af Ingiriis : keffiyeh; Af Carabi : لاسعانود) sidoo kale loo yaqaano Cumaamad, waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Cimaamadu waxay ka mid tahay dharka ragga inkastoo dumarka laftoodu xidhaan mararka qaar. Sidoo kale waxaa cimaamada aad caan uga tahay Dunida Islaamka taasi oo dadku u xidhaas astaan diin ahaaneed. Meelaha qaar sida Gobolka Bariga Dhexe iyo deegaanada kale ee ku dhaqan yihiin Dadka Carabta ah waxaa caan ka ah xidhashada cimaamada oo loo isticmaalo dhar ahaan. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]


Thumb
Remove ads

Hordhac

Thumb
Nin Ciraaqi ah oo xidhan cimaamad

Cimaamadu waa shey dhar ah taasi oo laga tollo dun isla markaana aad looga xidho gobolka Bariga Dhexe halkaasi ooy ka tahay dhar ka mid ah dhaqanka dadka. Cimaamada waxaa maanta laga xidhaa meelo badan oo caalamka ah kuwaasi waxaa ka mid ah wadano badan oo Afrikaan ah iyo wadano reer Galbeed ah.[2]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : لاسعانود) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[3] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[4][5]

Remove ads

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Quick facts

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads