Farta Boorama

From Wikipedia, the free encyclopedia

Farta Boorama
Remove ads

Farta Boorama (Af Ingiriis : Borama alphabet; Qaabka qoraalka: ) (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.[1]

Quick Facts Borama, Nooca ...
Remove ads

Hordhac

Thumb
Gabay lagu qoray Far Boorama.

Far Boorama (sidoo kale loo yaqaano Far Gadabuursi) waxaa alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo macalin ka ahaa magaalada Boorama.[2] Nidaamka qorida Farta Boorama waa mid aad uga duwan Farta Cusmaaniya. Fartani waxay leedahay shaqalo gaaban iyo kuwo dhaadheer, hakadyo iyo hingaad intaba ka dhex muuqata qoraalka.[3]

Inkastoo aanay soo shaacbixin isla markiiba, maanta waxaa la helayaa qoraalo badan iskugu jira diini, gabayo, cilmi iyo taariikh oo Sheekh Cabdiraxmaan iyo xertiisu ku qoreen Farta Boorama.[4]

Remove ads

Taariikh

Thumb
Nidaamka qoritaanka Farta Boorama

Toban sano ka hor intii aanu Sheekh Cabdiraxmaan alifin farta waxaa soo baxdey Farta Cusmaaniya taasi oo noqoneysa fartii ugu horeeysay dhulka Soomaaliyeed. Markii farta Borama soo shaacbaxdey waxay noqotey mid ka sahlan qorista iyo akhriska isla markaana ka shaqallo badan farta Cusmaaniyada. Dad badan oo wakhtigaasi isbarbardhigay waxay ku sheegeen farta Boorama in ahayd midii ugu casrisanayd geyiga Soomaalida wakhtigaasi.[5]

Remove ads

Sheekh Cabdiraxmaan

Quick Facts Cabdiraxmaan Sheekh NuurAbdurahman Sheikh Nuur الشيخ عبد الرحمن نور, Ku dhashay ...

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur (Af Soomaali : Abdurahman Sheikh Nuur, Af Carabi : ar) wuxuu ahaa nin aqoonyahan, macalim, qoraa, mu'alif, hogaamiye diineed oo u dhashay dadka Soomaalida. Sheekh Cabdriaxmaan waxaa fadhigiisu ahaa magaalada Boorama, halkaasi oo ku dhigi jiray cilmiga diinta iyo maadiga, isla markaana ku alifey Farta Boorama.[6][7]

Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay isla markaana ku koray magaalada Boorama, ee waqooyiga Soomaaliya. Sheekhu wuxuu ka soo jeedaa beesha Gadabuursi, ee beelweynta Dir.[8]

Sheekh Cabdriaxmaan wuxuu markuu yaraa waxbarasho u tegay magaalada Harar, halkaasi oo ku soo bartey Quraanka iyo aqoon kale oo maadi ah. Wakhtigii dhalinyarnimadiisii wuxuu macalim Quraan ka ahaa deegaano badan oo Waqooyiga Soomaaliya ah oo wakhtigaasi hoostegayay maamulkii gumeysiga Ingiriiska. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa aabo u ahaa Xaakim (qaadi) ka talin jirey maamulkii gumeysiga Ingiriiska.[9]

Sanadkii 1933, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey hab cusub oo loo qoro Far Soomaaliga, kaasi oo ugu magacdaray Farta Boorama. Fartani wuxuu ugu talogalay in lagu qoro Af-Soomaaliga.

Faallo

Maadaama dadka Soomaalida wakhtigaasi u badnaayeen dad xoolo dhaqato (reer baadiye), farta Boorama kuma fidin geyiga Soomaalida. Farta waxaa isticmaali jirey Sheekh Cabdiraxmaan, xertiisa, aqoonyahano ku noolaa Waqooyiga Soomaaliya iyo aqoonyahano reer Herer ahaa.[10] Maanta waxaa la hayaa buugaag, waraaqo iyo duubab ay ku qoran tahay farta Boorama.[11] Gabayo, maansooyin iyo taariikh kale oo ku qoran fartani ayaa laga helay magaalada Boorama iyo Jabuuti.

Guud ahaan, dad badan waxay fartan u yaqaanaan Far Gadabuursi, sababtoo ah Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo jeeda beeshaasi.[12]

Remove ads

Qoraalo la xidhiidha

Remove ads

Sidoo kale fiiri

Linkiyo kale

Quick Facts
Remove ads

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads