Furaat

From Wikipedia, the free encyclopedia

Furaat
Remove ads

Furaat (Ingiriis: Euphrates, Carabi: ﺍﻟﻔﺮﺍﺕ: "al-Furāt", Af-Turki: Fırat, Siyriyak: ܬܪܦ: "Prath", Yuhuud: פרת "Prat", Armeniyan: Եփրատ: "Yeprat") waa wabiga ugu dheer iyo kan ugu taariikh muhiimsan deegaanada galbeedka Aasiya. Marka lagu daro wabiga Tigris waa dhulka loo yaqaano Mesobotaamiya ee ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey. Wabiga Furaat oo dhererkiisu yahay 2,800 km (1,740 mi) kaas oo ka soo bilaabma harada Murad Su ee bariga wadanka Turkiga; qiyaastii 25 km koonfurbari magaalada Kara Su, iyo 30 km ka dib meesha uu ka soo bilaabmo webiga Tigris.

Quick Facts Webiga FuraatFırat/ ܬܪܦ/פרת / Եփրատ Euphrates/ﺍﻟﻔﺮﺍﺕ, Wadanada ...

Webiga Tigris iyo webiga Furaat waxay mid ka yihiin deegaanada loo yaqaano Mesobotaamiya oo ah meeshii ay ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey.

Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[1][2]


Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan inay webiyada la yiraahdo Furaad (Yufraad) iyo Tigris (Xiddeqel) ay ka yimaaddeen Ceeden. Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay. Ilaahay Aadan buu abuuray oo wuxuu dejiyay beerta Ceeden “inuu falo oo dhawro.”[3].

Thumb
Webiga Tigris ee dhex mara magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.
Remove ads

Qoraalo La Mid Ah

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads