Googarad

From Wikipedia, the free encyclopedia

Googarad
Remove ads

Googarad waa shay ka mid ah dharka dumarku xidhaan kaasi oo dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Googaradu waay ka mid tahay dharka dadka kaasi oo inta badan loo xidho si jidhka uga difaaco dhaxanta. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]

Remove ads

Hordhac

Googaradu waxay ka mid yahay dharka joogtada ah ee xidhaan dumarka Soomaaliyeed isla markaana isticmaalaan kaasi oo loo xidho in jidhka ka difaaco dhaxanta iyo qaboowga. Sidoo kale, googarada waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin.[2] Guud ahaan, googaradu waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Googaradu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah jileec, fudeyd iyo gaabni le'eg kuraanta dusheeda.[3]

Remove ads

Magaca

Ereyga Googarad asal ahaan lama yaqaano meel uu ka soo jeedo laakiin ilo ayaa ku tilmaamey ineey tahay Af-Hindi.[4]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[5] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[6][7]

Sidoo kale fiiri

Quick Facts

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads