Jaabir bin cabdilaah

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Jaabir bin cabdilaah bin xaraam al-ansaari (Afka carabiga; جابر بن عبد الله بن حرام الأنصاري) waxa uu ka mid ahaa saxaabada gaar ahaan ansaarta, jaabir wuxuu ka mid lixda saxaabi ee ugu axaadiista badan, 1540 Xadiis ayuu ka wariyay Rasuulka ﷺ [1], wuxuu ilaahay siiyay cimri dheer, sanadii 78H ayuu ku dhintay Madiina

Quick Facts saxaabi, xog ku saabsan ...
Remove ads

Taariikhda

jaabir wuxuu ku dhashay magaalada Madiina ka hor hijrada, wuxuuna ka soo jeedaa reer Ganam bin kacab bin salima oo ah laf ka tirsan qabiilka khazraj[3], Aabihiis cabdulaahi bin xaraam waa saxaabi weyn oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha Ansaarta, jaabir wuxuu islaamay xili hore, wuxuu u raacay aabihiis beyca caqaba labaad halkaas oo Nabiga ﷺ kula mubaayacooday asigoo yar, jaabir ma uuna xaadirin dagaalkii beder iyo kii uxud sababtoo ah aabihiis ayaa ku dhaafi jiray guriga soo u daryeelo gabdhaha walaalihiis ee ka yaraay [4], hase ahaatee aabihiis cabdilaah wuxuu ku dhintay dagaalkii uxud maalinkaas ka dib jaabir ma uuna ka harin dagaal uu Nabiga ﷺ ka qeyb galo[5]. wuxuu ka qeyb qaatay Furashada Makka iyo Beycatu ridwaan.

Nabiga ﷺ markuu dhintay ka dib wuxuu qeyb ka noqday ciidankii u baxay Furashada Shaam, furashada Dimishiq ayuu goob joog ahaa.

Muftiga Madiina

Jaabir badanaa waqtigiisa wuxuu ku bixiyay Masjidka Nabiga ﷺ inuu dadka wax ku baro, saxaabada kuwa ugu xadiis warinta badan ayuuna ku jiray, wuxuuna ku lahaa masaajidka xalqad oo dadka u soo dhoobtaan see uga dhageystaan xadiiska[6], dadka waxey weydiin jireen su'aalaha ay u baahdaan, waxaana loo yaqiinay Muftiga Madiina ee waqtigiisa.

Waxaa ka wariyay xadiiska dad badan oo ka mid yihiin Saciid bin musayyib, Cadaa bin abii rabaa, muxamad bin mukandar iyo Xasan Al-bisri

Dhimashadiisa

Jaabir waxa uu ku dhintay Madiina 78H asigoo jira 94 sano, wuxuuna ahaa inuu indho beelay waayihiisa dambe[7], waxaa ku tukaday Abaan bin Cusmaan bin Cafaan oo ahaa waaliga Madiina waqtigaas, waxaana lagu duugay qubuuraha baqiic.

Remove ads

Xigasho

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads