Laasqoray

From Wikipedia, the free encyclopedia

Laasqoray
Remove ads

Laasqoray (Af Ingiriis : Las Khorey, Af Carabi : ar Lāsqoray) waa magaalo xeebeed qadiimi ah taasi oo ku taal bariga gobolka Sanaag ee maamulka Waqooyibari. Magaalada Laasqorey waxaa ku taala Dekada Laasqorey oo ka mid ah dekedaha ugu da'da weyn deegaanka Geeska Afrika.

Quick Facts LaasqoreyLas Khorey لاس قُرَي, Wadanka ...

Taariikh ahaan, magaalada Laasqorey waxay xarun u ahaan jirtey Saldanadii Warsangaliga.

Remove ads

Faallo

Laasqoray waa magaalo xeebeed oo ku taalo gobolka Sanaag ee waddanka Soomaaliya. Magaaladaan aad iyo aad ayuu u jawi wanaagsan yahay, waxaana magaaladu ay leedaahay warshada caanka ah ee kaluunka.

Taariikh

Saldanadii Warsangaliga waxay ahayd boqortooyo Soomaaliyeed taasi oo u talin jirtey deegaano badan oo ka mid ah waqooyibari iyo koonfurbari wadanka maanta loo yaqaano Soomaaliya.[1] Saldanadani waa midi ugu awood badneyd ee ka arimisa deegaanadaasi, waxaana saldhigyadeeda ugu waaweyn ka mid aahaa gobolka Sanaag iyo dhamaan deegaanada hoos yimaada gobolka Bari. Sidoo kale waxaa saldanadan hoos iman jirey dhamaan deegaanada maanta loo yaqaano Maakhir.

Saldanada Warsengali waxaa la aasaasay dhamaadkii qarnigii 13aad, deegaanada waqooyiga Soomaaliya. Waxaa rukunada u dhigay saldanadani dad badan oo deegaanka ku dhaqan, waxaase lafdhabar u ahaa beesha Harti Waqooyi oo qeyb ka ah beelweyta Daarood.

Thumb
Warsangali Sultanate in 1857.
Remove ads

Dekada Laasqorey

Dekada Laasqory waa dekad ku taala xeebta magaalada Laasqorey, Waqooyibari. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn ee mashquulka badan Geeska Afrika.[2]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

  • Liiska magaalooyinka Somalia

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads