Liin bambeelmo
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Liin Bambeelmo (Af Ingiriis : grapefruit; Af Carabi : ar) waa midho ka mid ah khudaarta gaar ahaan qoyska liinta.
Midhaha geedka liin bambeelmadu waa mid ka weyn dhamaan noocyada kala duwan ee liinta, waxayna leedahay biyo badan oo dhanaan iyo macaan iskugu jira.
Liin bambeelmadu waa geed la isku talaalay oo markii ugu horeeysay si shil ah la iskugu talaalay liin macaan iyo geedka Bomelo ee laga helo koonfurbari Aasiya. Gasiirada Barbados ee Kaariibiyaanka ayaa si lama filaan ah nin beeroole ahi iskugu talaalay geedka liin macaanta iyo bomela halkaasi ooy ka soo baxdey liin bambeelmadu.[1]
Markii ugu horeeysay ee la arkey waxa ka soo baxay talaalkaasi waxaa loo bixiyey "khudaartii la xaaraantinimeeyay" (forbidden fruit);[2] waxaana loo fahmey ineey tahay bomelo sumoowday.[3]
- Kani waa maqaal ku saabsan Liin bambeelmada. Bogag kale fiiri Liin Macaan, Liin Dhanaan, Liin Beydariin iyo Liin Qarboosh
- Boga "Bambeelmo" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Wadanka Soomaaliya waxaa aad uga baxa liin bambeelmada. Gobolada koonfurta waxay aad ugu caan yihiin beeraha liin bambeelmada iyo muuska oo labadoodaba loo dhoofiyo caalamka.
Remove ads

Geedka liin bambeelmadu markuu si fiian u koro wuxuu gaadhaa dherer dhan 5–6 meter (16–20 fiit), in kastoo kuwa ugu dhaadheeri gaadhaan ilaa 13–15 m (43–49 ft). Intaas waxaa dheer, caleemaha geedkani waa kuwo waligood-cagaar ah, balbalaadhan oo dhumucdoodu le'eg tahay 15 sentimeter (5.9 inji). Markuu geedku gaadho qaangaadh wuxuu bixiyaa ubax 5 senitmitir (2 inji) baladhkiisu dhan yahay. Midhaha liin bambeelmadu waa mid leh midab huruud-oranji ah, waxayna u sameeysan tahay qaab wareegsan oo sida goobada oo kale ah midaasi oo dhumucdeedu tahay 10–15 cm (3.9–5.9 in).
Midhaha liin bambeelmada waxay leedahay hilib furfuran oo leh midababo kala duwan midaasi oo ku xidhan meesha laga qodo, cimilada iyo nafaqada carada; waxaana midabada ugu badan cadaan, buni (pink) iyo casaan. Sidoo kale liin bambeelmadu waxay leedahay asiidh badan, iyo fiitamiin-Sii badan, iyo dhadhan macaan ah.[4]
Remove ads
Taariikh ahaan liin bambeelmadu waxay ka soo jeedaa ama waalid u ah liin macaanta iyo geedka bomelo oo labadooduba asal ahaan ka soo jeedaa gobolada koonfurbari ee qaarada Aasiya.
Geedaha liin qarbooshta waxaa markii ugu horeeysay ka bixi jirtey deegaanada cimilada kulul ee wadanka Ciraaq iyo Iiraan, waxaana la dhaqan jirey geedkan tan ilaa ilbaxnimadii Baabiyloon[5] taasi oo hada laga joogo dhowr kun oo sano.[6]
Geedaha liin qarbooshta waxaa markii ugu horeeysay ka bixi jirtey deegaanada cimilada kulul ee wadanka Ciraaq iyo Iiraan, waxaana la dhaqan jirey geedkan tan ilaa ilbaxnimadii Baabiyloon[5] taasi oo hada laga joogo dhowr kun oo sano.[7] Dhamaan noocyada liintu waxay ka soo tafiirmeen geedka "genus" ee Saynis ahaan loo yaqaano Sitrus. Taasi micnaheedu waa in dhamaan noocyada kale (sida Liin Dhanaanta, Liin Qarbooshta iyo Liin Bambeelmada) ka soo tafiirmeen geedka Jenus ee liin macaanka.[8]

Sida lagu xusay taariikhda geedka liinta waxaa markii ugu horeeysay lagu isticmali jirey koonfurta wadanka Shiinaha oo la aaminsan yahay ineey tahay meesha ay asal ahaan ka timidey, iyo deegaano ka mid ah wadanada Koonfurbari Aasiya. Waxaa beerashada geedka la dadku bilaabeen ilaa 2500 sano C.H (Ciise Hortii).[9]
Dhinaca qaarada Yurub waxaa la sheegay in nooc liin dhanaanta ah lagu isticmaali jirey wadanka Talyaaniga taasi ooy ka sameeyn jireen daawooyinka iyo walaxaha la isku dhayo. Waxay liintu aad ugu fiday qeybaha kale ee qaarada Yurub qiyaastii qarnigii 16aad, wakhtigaasi oo beerashada liintu aad u koobnayd.

Waxaa qaaradaha Ameerika soo gaadhsiiyay liinta sahamiyayaashii boqortooyada Isbayn. Kiristofer Kolumbus ayaa la aaminsan yahay inuu geedka liinta ka beeray agagaarka deegaanka loo yaqaano Hispaniola.[10]
Remove ads
- Liin bambeelmo la kala jaray
- Liin bambeelmo
- sanadkii 1750 wakhtiyadii geedka loo yaqaanay "khudaaa xaaranta" ah
- Liin bambeelmo midab caadaan ah leh
- Liin bambeelmo baxaysa
- Liin bambeelmo buni ah
- Liin bambeelmo qeyb laga dhilay
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads