Kaaribiyaan
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Kaaribiyaan (ingiriis: Caribbean, / ɨˈbiːən/ ama / rɪbiən/ ; Isbaanish: Karibe; Dhatj: Caraïben ama Caraïben; af Hindi: कैरिबियन "Kairibiyana"; Af Faransiis : Caraïbe; Carabi: الكاريبي) waa gobol ka kooban bada Kaaribiyaanka, gasiiradaha ku wareegsan (oo qaarkood soo gaadhaan ilaa waqooyiga Badweynta Atlaantik), iyo xeebaha bilicsan ee ku caanka ah gobolkaasi. Gobolkani wuxuu dhacaa koonfurbari gacanka Mebsiko, koonfurta Maraykanka, bariga Bartamaha Ameerika iyo waqooyiga Koonfur Ameerika.

- Kani waa maqaal ku saabsan wadanada la isku yidhaahdo Kaariibiyaanka. Qoraal ku saabsan dadkii asal ahaan loogu tegay Kaaribiyaanka fiiri Dadka Kaaribiyaanka. Maqaal ku saabsan biyaha badaha ku hareersan fiiri Bada Kaaribiyaanka.
Dhinaca kale, deegaanada Kaaribiyaanku waxay ka kooban yihiin in ka badan 700 gasiiradood, kuwaas oo qaarkood aad u waaweyn yihiin ayagoo ah hal wadan halka kuwo kale yaryar yihiin. Marka la tixraacayo siyaasada juquraafiga caalamka ayaa gasiiradaha Kaariibiyaanka lagu tiriyaa gobol ka mid ah Waqooyiga Ameerika; waxaana loo nidaamiyaa boqortooyooyin yaryar, deegaano ku tiirsan dowlado ka fog iyo maamulo hoose.
Bilicda gasiiradaha, cimilada diiran sanadkoo dhan, biyaha xeebaha oo aad u qurux badan darteed ayaa gobolka Kaaribiyaanku aad ugu caan baxay dalxiiska iyo booqashada tamashlaha ah.
Remove ads
Gasiiradaha ku yaala deegaanka Kaaribiyaanka
Xadka badaha wadanada gasiiradaha Kaaribiyaanka
Anguilla (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
Antigua iyo Barbuda (Boqortooyo Jamhuuri)
Aruba (Boqortooyada Nederlaan)
Barbados (Boqortooyo Jamhuuri)
Bonaire (Boqortooyo Nederlaan)
Gasiirada British Virgin (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
- Gasiiradaha Kayman (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
Kuuba (Jamhuriyadda)
Kurakaawo (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
Dominika (Jamhuriyadda)
Jamhuuriyadda Dominika
Grenada (Boqortooyo Jamhuuri)
Guadeloupe (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska) oo hoostagaan
- les Saintes
- Marie-Galante
- la Désirade
Haiti (Jamhuriyadda)
Jamayka (Boqortooyo Jamhuuri)
Martinique (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
Montserrat (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
Dekada Riika (Boorta Riika) (Barwaaqo sooranka Maraykanka)
Saba (Boqortooyada Nederlaan)
Saint Barthélemy (Boqortooyada Nederlaan)
Saint Kitts iyo Nevis (Boqortooyo Jamhuuri)
Saint Lucia (Boqortooyo Jamhuuri)
- File:Flag of the Collectivity of Saint Martin.png Midowga Saint Martin (Deegaan hoostaga Boqortooyada Ingiriiska)
Saint Vincent iyo Grenadines (Boqortooyo Jamhuuri)
Sint Eustatius (Boqortooyada Nederlaan)
Sint Maarten (Boqortooyada Nederlaan)
Trinidad iyo Tobago (Jamhuriyadda)
Gasiiradaha Maraykanka (Deegaano hoostaga Maraykanka)
Remove ads
- Rah nooc sunta badan leh
- ubaxa geedka Caesalpinia.
- Geedaha u gaarka ah deegaanka.
- Aargoosato nooca laga helo xeebaha Kaariibiyaanka.
- Midhaha geedka malashas.
- Kaluun nooc aad u yar oo khaas ku ah deegaankasi
- Qaar ka mid ah nolosha Kaaribiyaanka
- Shimbiraha deegaanka
- Nooc ka mid ah Xasharaadka Kaariibiyaanka
- Mulac nooca cowlan ah
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads