Muxamad koowaad
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
almalik alcaadil alsuldaan gaazi mumahidu dawla gayaasu diin muxamad shilbi koowaad bin bayazid koowaad bin muraad koowaad (turkida cusmaaniyada: ( مُمهِّد الدولة والدين غازى سُلطان چلبى مُحمَّد خان أول بن بايزيد بن مُراد عُثمانى؛) oo loo yaqaan "muxamad shilbi", eraygaas "shilbi" waxaa la dhihi jiray dhamaan ilmaha bayazid, macano ahaan wuxuu tusin gaaraad badnaan
Muaxamd koowaad wuxuu xilka qabtay kadib loolan dheer ee dhaxmaray asaga iyo walaalihiis kaas oo qaatay 11sano[1], waxaana loo yaqaan xiligii rabshada kaas oo bilaabday kadib jabkii ankara iyo dhimashadii bayazid.
wuxuu xilka qabtay 1413dii 7sano ayuuna haayaay oo ku dhameestay dagaalo, mar uu la diriro imaaradihii turkida ahaa ee dib usoo noolaaday iyo mar uu la diriro dawladaha yurubiyaanka iyo mar kale uu kacdoonka shiiq badru diin wuu wajaho, wuxuu ka soo hooyay guulo badan asigoo soo celiaya inta badan dhulkii ay waaday dawlada [2], heybadii dawladana wuu soo nooleeyay.
Sidoo kale muxamad koowaad wuxuu taageero siin jiray culuumta iyo fanka, wuxuuna lahaa maktabad weyn oo ku keediyay kutubo badan [3],
Remove ads
Noloshiisa hore
Waxaa muran badan ka jiraa goorata uu dhashay waxaase loo badan yahay 1379kii [4] , xog kale waxay leedahay 1381dii [5] , waxaa jira kuwa kale oo sheegaya 1382, 1386, 1389, 1390 iyo 1391,[ْ 1] hooyadii dawlat khaatuun ayaa la dhihi jiray, wuxuu wax ka bartay culumo oo aabihiis u xilsaaray tarbiyeentiis, waxaana kamid ahaa bayazid baashaa alamaasiili sidoo kale madarasooyinla bursa ayuu wax ka bartay.
Muxamad koowaad wuxuu u raacay aabihiis ladagaalanka imaaradaha turkida 1391dii wuxuu hoogaamiyay ciidankii loo diray qaadii burhaanu diin ee ka qabsadeen amaasiya[6] markuu arkay aabihiis guulahiis iyo waxqabadkiisa fiican wuxuu u magacaabay xilka waaliga romali, xilkaas uu haayay 1391dii ilaa 1402dii, mudsidaas wuxuu kororsaday qibrado badan asigoona toosiyay arimaha gobolkaas[ِ 1]
Remove ads
ku loolamida xilka
Muxamad koowaad Wuxuu ka qeybqaatay dagaalkii ankara ciidan ilaalinta gadaal ayuuna hogaaminayay, goobta dagaalka ayuu ka baxay, mar dambe ayuu ogaaday in aabihiis bayazid iyo walaalkiis muusa shilbi, wuxuu dajiyay qorshe soo fakiynayo ayadoo dhulka hoostiis la qodayo balse wuu fashilmay ilaaladana waa la sii adkeeyay[ِ 2] markuu dhintay bayazid 1403dii timuurlank ayaa sii daayay muusa sii uu aabihiis u aaso magaalada buursa ayaa loogu sameeyay aas u qalma maamuuskiis[7], isla markiiba waxaa soo baxday loolanka xilka ee u dhaxeeya ilamahiis maadaama uu horay u cayimin qofka badalaayo, Wiilka weyn ardogrol wuxuu ku dhintay dagaalada tataarka, kan ku xigay musdafa waxaa lagu waayay dagaalkii ankara, waxaa isku haray afar wiil suleymaan, ciisa, muxamad iyo muusa [ِ 3] , suleymaan dagaalka markuu soo dhamaaday wxuu ka talaabay marinka dardaniil wuxuuna gaaray adirna halkaas oo ku sheegtay inuu yahay suldaanka cusub ee dawlada [8] wuxuuna hishiis la galay biriizanda iyo dawlado badan oo yurubiyaan ah, asgoo uga dagay dhulal badan ee ka mid tahay salaaniik [9] wuxuuna ku qasbanaaday inuu raacsanaado timuurlank dhanka kale muusa iyo muxamad waxay ku gambadeen qalcad, ciisa oo ciidan aruursaday ayaa yimid bursa oo sheegtay inuu yahay suldaan [10], muxamad oo aad uga careesan hoos imaanshaha suleymaan tataarka ayaa helay taageero wuxuuna weeraray ciisa asagoo kala wareegay bursa, ciisa wuxuu garab weydiistay cizudiin asfandiyaar bek amiirka qasdamuuni labadood wey ku aadi waayeen muxamad, ciisa wuxuu usii cararay izmiir wuxuuna sameeyay amiirkeed isbahaysi ka dhana muxamad oo ka kooban imaarado badan, laakin muxamad ayaa ka adkaaday wuxuuna gacanta ku dhigay oo dilay ciisa, sidoo kale imaarada saaruuqaan ayuu qabsaday intii kale waxay ka badin waayeen inay aqoonsadaan madaxtinimadiisa [11][ْ 2]
Suleymaan markii hore muusan fara gishan dagaalada u dhaxeeya walaahiis muxamad iyo ciisa, kaliya ciisa ayuu dhiira galinayay, hase yeeshee guulaha muxamad buu ka naxay anaadool buu soo aaday wuxuuna qabsaday bursa iyo ankara wuxuu sii qabsaday izimiir, amiirkeedana juneyd bek wuu ka xeestay[12] muxamad wuxuu arkay inuu ku aadin kaligiis suleymaan ayadoo sidaas ah ayaa waxaa u soo hiiliyay amiirka qaramaan naasirudiin wuxuu weeraray suleymaan, waxaa sidoo kale lasoo jiray walaalkiis muusa, cizudiin asfandiyar bek, iyo amiirka aflaaq mirshaa wuxuuna ku weeraray suleymaan romali, markuu arkay suleymaan in lasoo hareereeyay wuxuu aaday oo maciin biday imbiraadoor emanawel labaad si uu kalsooni fiican ugu qabo wuxuu rahan ahaan ugu agtagay wiilkiis iyo walaashiis [13], balse wax saas kama dheefin, 1411kii dagaal dhex maray asaga iyo muusa ayaa lagu qabtay waxaana lagu dilay duleedka adirna[ِ 4]
muusa oo naqday xaakimka romali ayaa asna damac galay wuxuu rabaaday inuu la goosto romali [14] wuxuu hareereeyay Qusdandiiniya soo ula gooni naqdo imbiraadoorka ayaa ka gurmad dalbay muxamad, muxamad ayaa yimid oo ku qasbay muusa inuu joojiyo hareereenta kadib wuu bursaday meel u dhaw sofiyaa buu ku dilay, sidaas ayuu ku soo dhamaaday xiligii rabshada ee cusmaaniyiinta
Remove ads
Lakali noqoshadiisa xilka
Sandkii 1413dii culumada, talyaasha dawlada iyo waziiradaayaa kula mubaayacoodeyn inuu naqdo suldaanka cusmaaniyiinta [15], wuxuu qaabilay safiiro ka kala socda dawladaha yurub oo ugu hambalyeenaya qabashadiis xilka. Wuxuu isku xilsaaray soocelinta dhulalkii dawlada ee kala firdhaday iyo inuu gaarsiiyo dawlada awoodeeda heerkee joogtay xiliga aabihiis bayazid [16], wuxuu aqoonsi buuxa ka helay dawlada mamaaliikta iyo khilaafda cabaasiyiinta[17][18]
doonistiisa nabada
Suldaan muxamad oo dareesanaa xaalada ee ku jirto dawlada ayaa maray siyaasad nabadgalyo waxa uuna ku dhahay matalayaasha ka kala socday bunduqiya, janawa, raakuuza, serbiya, aflaaq iyo albaaniya "ku dhaha madaxdiina Aniga nabad baa rabaa, qofkaan rabin nabada ilaaha ilaaliya nabada ayaa ah kan ladoodaya" [ِ 5] Waxaa la sheegaa imbiraadoorka biriizanda markuu saaciday inuu la galay hishiis dhigaaya inuu u celiyo imbiraadoorka dhamaan dhulkii muusa ka qabsaday waxay soo dirsadeen wafdi dalbanaya hishiiska fulintiisa, suldaan muxamad oo aad ugu dadaalayay lasaaxiibida biriizanda ayaa u celiayay [19] siyaasadan markiiba way faaido keentay, Wiilka suleymaan oo ag joogay imbiraadoorka baa dalbaday xilka balse taageero markuu waayayna wuxuu aaday aflaaq balse dhaxda ayaa ciidan cusmaaniyiin u galeen oo soo qabteen [ْ 3]
Dagaalada anadool
Badanaa imaaradaha turkida wey aqoonsadeen madaxtinimadiisa qaar ayaa jiray oo gooni goosad ama raacsanaaday timuurlank imaaradahan waxaa kamid ahaa qaramaan munashtaa karmiyaan, imaarada qaramaan inkastoo ay taageertay muxamad shilbi markii hore hadana ma jecleen soo laabashada awooda cusmaaniyiinta, ayadoo ka faaideysaneesa ku mashquulida muxamad ladagaalanka muusa ayee weerartay 1411kii dhulka karmiyaan ayadoo qabsatay caasimadood kotaahiya, amiirka karmiyaan yacquub bek ayaa u soo cararay bursa [ْ 4] asigoo dalbaday in loo soo celiyo dhulkiisa, wuxuuna sheegay inuu hoos imaan doono cusmaaniyiinta taas oo ka careesiisay naasirudiin muxamad amiirka qaramaan, weerar buu soo qaaday wxuuna hareereeyay magaalada buursa 31 bari [20] ilaa uu ka quustay, wuxuu ku ciil baxay qabriga bayazid asigoo faagay misna gubay[ْ 5], wuxuu arkay ciidan yar oo sida meedka muusa see u duugaan wuxuu maleeyay gurmad wuuna cararay[21].
1414tii suldaan muxamad ayaa yimid anadool soo u ciqaabo imaaradaha falaagoobay wuxuu ku bilaabay imaarada banuu aydiin ee la safneed qaramaanyiinta, suldaanka wuxuu ciidan ku hareereeyay izmiir, amiirkooda juneyd bek ayaa isaga baxay magaalada [ْ 6] toban bari kadib xaaska juneyd iyo ilmihiisa ayaa dhiibay magaalada[ِ 6] suldaan muxamad ayaa cafis u fidiyay juneyd bek wuxuuna u dhiibay nikobolos,[22] halka izmiir oo u dhiibay askandar yoxanaa Shiishmaan [ِ 7], wuxuuna amray inuu dumiyo qalcadaha magaalada iyo dhufeesyadeed
Oo soo afjaraayay banuu adiin wuxuu u jeestay dhanka qaramaan, waxaa ka heybeestay imaaradihii turkida amiirada karmiyaan iyo kan qasdamuuni ayaa siiyay taageero [23], sanadkii 1414kii iyo 1415kii ayuu labo dharbaaxi ku dhuftay dhulal badan buu ka qabsaday [24] balse daadad badan awgeed caasimada qonya waa qabsan waayay.
Amiirka qasdamuuni oo isku dayaya inuu siro cusmaaniyiinta ayaa qabsaday saamsoon [25], suldaanka ayaa dib uga soo ceshaday magaalada meelo kalana ka qabsaday [ْ 7]
Qaramaan ayuu mar kale u jeestay 1415kii sadrulacdamka bayazid baashaa alamaasiili ayaa ciidan badan qaatay [ْ 8] wuxuuna u dhigay amiirka qaramaan naasirudiin muxamad dabin, kaas oo ku dhacay asaga iyo wiilkiisa[ْ 9], waxaa la horgeeyay suldaanka wuxuuna ku dhaartay inuu mar dambe u naqaneyn falaagonimo wuxuuna saxiixay inuu celiyo magaalooyin badan ee tataarka siiyeen balse la sii deynaayay Meeshiis buu ka waday,
Remove ads
dagaalada yurub
albaaniya
Suldaan muxamad romali buu imaaday dhulka albaaniya imaarada ka jiray buu weeraray magaalada aaqja xisaar buu qabsaday[ْ 10]
Imaarada fuluuniya oo xaalado adag wajaheesay ayaa naagtii ka talineesay waxay damacday inay ka gado bunduqiya balse intayna ku hishiin suldaanka ayaa soo weeraray oo qabsaday [ِ 8]
Bunduqiya
Bunduqiya oo ahayd dawlad ganacsi kana talineesay jasiiradaha kiiklaan iyo suldaanka ayaa isku dhaceen, dagaalo dhanka bada ayaana dhax maray, ugu dambeyn hishiis ayee kala saxiixdeen [ِ 9].
Aflaaq
Imaarada aflaaq xiligii bayazid waxay raacsaneed dawlada, fitnada markee dhacday amiirkeeda mirshaa alcajuus wuxuu taakuleeyay muusa [ِ 10] , suldaan muxamad oo xarashkaas u haaya ayaa markuu fursad u helay kasoo talaabay wabiga duuna jab weyn buuna u gaarsiiyay ciidanka aflaaq, wuxuuna ku qasbay inay naqdaan kuwa raacsan dawlada jizyo sanadla ahna bixiyaan [ِ 11] si ayna mar dambe u caasin wuxuu ka dhisan dhufeesyo badan [26] wuxuuna rahan ahaan u qaatay laba waiil oo mirshaa awoowa u ahaa.
Hangari
sikesmond oo horay u hogaamiyay dagaalkii nikobolos ayaa loo doortay imbiraadoorka roomanka wuxuu sii waday la coleetankiisa cusmaaniyiinta wuxuu ciidamo usoo diray dawlada, isxaaq bek ka hortagay oo jabiyay wuxuuna ka qabsaday saraayfoo wuu sii socday wuxuu tagay magaalada tiriisti, halkaas oo ciidan kale ku dagaalameen wuuna ka guleestay, wuxuu hareereeyay baratislaafa,waxaa mar kale isku dhaceen ciidamo kale oo sikesmond soo diray halkaas yuuna isxaaq bek u dhintay balse ciidamo ayaa sii waday dabruuja ayee dheemstireen [ْ 11]
Remove ads
kacdoonkii shiiq badrudiin
Shiiq badru diin oo la sheego inay qaraabo ahaayeen salaajiqada ruum [27] ayaa soo wareegay magaalooyin badan oo caalamka islaamiga kamid ah, culuum badana Wuu aqristay, waxaa ku beermay caqiido fasahaadsan dhulka cusmaaniyiinta ayuu u arkay meesha uu ku faafin karo fikirkiisa maadaama uu ka jiray isku qas yaab leh umado badan luuqado badan diimaha islaamka kirishmiska iyo yahuuda ayadoo jiraan kuwo badan oo mar dhaw soo islaamay dhaqamoodna iska heesta [28], waxa oo ugu yeeray inay siman yihiin diimaha, inay jirin jano iyo naar iyo waxyaabo kale arimaha dhaqaalaha ayuu saaid uga hadlay wax u eg shuuciyad, waxaa raacay koox badan, waxay sameeyeen kacdoon magaalooyinka bee weerareen dadkii bee dileen xoolaha wey boobeen[29], dawlada ayaa halis gashay suldaanka wuxuu amray taliyaha izmiir askandar yoxanaa Shiishmaan inuu la dagaalamo balse waa la jabshay waana la dilay, mar kale ciidan badan ayuu diray wuxuuna u dhiibay bayazid baashaa alamaasiili iyo muraad waxay jabiyeen kacdoon wada yaahi wax badana way ka laayeen, badru diin wuxuu u cararay dabruuja mar kale ayuu soo noqday, suldaanka ayaa u baxay ladagaalankiisa wuuna jabiyay, waa la soo qabtay badru diin, culumada ayaa iftootay dilkiisa waana la dilay [30][31]
Remove ads
soo bixida musdafa
16 sano oo la waasan yahay kadib waxaa soo baxay musdafa wiilka bayazid wuxuuna dalbaday xilka maadaama uu ka ween yahay muxamad, suldaan muxamad ayaa inkiray inuu yahay walaalkii, beenaale ayuuna ku tilmaamay, lama oga mudadaan meeshuu ku maqnaa balse waxaa la aamisanyahay inuu gacanta ugu jiray tataarka, shaah ruux markuu arkay awooda cusmaaniyiinta oo soo noqotay inuu soo daayay, si kastaba ha ahaato musdafa wuxuu yimid qaramaan kadib qasdamuuni amiirkeed ayaana soo dirdiray[32], kadib aflaaq wuxuuna taageero ka helay mirshaa sidoo kale amiir juneyd bek ee nikobolos loo dhiibay ayaa isna taageeray, waxaa kusii darsamay imbiraadoorka biriizanda dawlada bunduqiya iyo talyaal badan oo dawlada ka tirsan [ْ 12], kadib wuxuu bilaabay weeraro, gobolka tasaaliya ayuu weeraray, suldaanka ayaa u soo baxay la dagaalankiisa wuu jabiyay, musdafa ayaa u cararay salaaniik, talyaheeda ayaa ilaaliyay, suldaan muxamad imbiraadoorka ayuu ka dalbaday in loo dhiibo musdafa balse imbiraadoorka wuu iska diiday maadaama uu rabay inuu ka dhigto waraaq oo isaga difaaca cusmaaniyiinta [33] laakiin wuxuu balan qaaday inuusan sii dayneen intuu noolyahay suldaanka wuxuu suldaanka meel u saaray mushaar sandla ah[34][35], suldaanka ayaa mar kale cafiyay juneyd bek laakin markaan wuxuu u dhiibay imbiraadoorka biriizanda[ْ 13]
Remove ads
Dhimashadiisa
Suldaan muxamad koowaad waxa uu dhintay 1421dii asigoo jira 43 sano, xilkana haayay 7 sano, sababta oo u dhintay waa leesku qilaafay balse waxaa loo badan yahay farskiis asoo saaran inuu ka dhacay saasna ku dhintay [36] wiilkiis muraad labaad ayuuna xilka u dardaarmay waxaana lagu aasay bursa
Xaasaskiisa iyo ilmihiisa
Wuxuu guursaday noloshiisa sedex xaas waana
- shahrazaada khaatuun
- amiina khaatuun
- qamarnaam
Ilmihiisa
- muraad labaad waxaa dhashay amiina khaatuun xilka ayuu kaga dambeeyay aabihiis
- musdafa shilbi yare
- maxamuud shilbi
- yuusuf shilbi
- axmad shilbi
- qaasim shilbi
- suljuuq khaatuun waxaa guursaday taaju diin Ibrahim bek amiirka qasdamuuni
- suldaan khaatuun
- khadiija khaatuun
- xafsa khaatuun
- ilcaalida khaatuun
- inji khaatuun
- faaduma khaatuun
- caaisha khaatuun
Xigasho
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads