Dawladii Mamaaliikta
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Dawladii Mamaaliikta (Af-Carabi: دَولَةُ المَمَالِيك ) waa dawlad ka jirtay Masar, Shaam iyo dhulka Xijaas, waxayna bilaabatay kadib dhicitaankii Dawlada Ayuubiyiinta sanadii 648H oo ku beegan 1250 miilaadi, ayadoona dhacday kadib Dagaalkii Riidaaniya 923H ku beegan 1517 miilaadi
Remove ads
Asalkooda
Erayga "Maamaaliik" luuqada Carabiga waa jamac, mufradkiisu waa "mamluuk" waana adoon la gado lana soo iibsado[1] adoomanku waxay laf dhabar u ahaayeen dawlado badan oo islaami ah, Mustacsim bilaah oo kamid ahaa Khulafada Cabaasiyiinta ayaa aad u badasaday xiligiisa, Ayuubiyiinta oo hoos tagi jireen Cabaasiyiinta ayaguna wey ku tiirsanaayeen adoomaha, Saalax Ayuub oo salaadiintood ka tirsanaa wuxuu aad u soo iibsaday adoomo badan oo tarbiyo qaas ah siiyay, kadibna waxa uu dajiyay qalcada Rowda oo bada agteed ah [2] badankood waxay ahaayeen Turki, sidaas ayaana loogu aqoonsaday Mamaaliikta bada, waxaa jiro qeyb kale oo Mamaaliikta ah oo loo yaqaan Mamaaliikta burjiyiinta ama Sharkis, ayaga waxay ku jireen qalco laga soo bilaabo xiligii Suldaan Qalaawuun asalkooduna waa sharkis ama Qowqaas
Remove ads
Taariikhda
Bilawga xukunka Mamaaliikta
Sanadkii 1249 Markuu dhintay suldaankii Ayyuubiyiinta Saalax Ayuub xili adag uuna socday weerarkii todobaad ee saliibiyiinta ayaa naagtiisa Shajaru durr iyo talyihii mamaaliikta Faarisudiin Aqdaay iska kaashadayn maamulka dawlada, waxayna u qoreen Tooraan Shaah oo ahaa wiilka Saalax Ayuub inuu dhaqso ku yimaado, waxaana dhacday in lagu jabiyay saliibiyiinta dagaalkii oo xitaa Luwiiskii Sagaalaad boqorka Faransiiska gacanta lagu soo dhigo [3]
Tooraan Shaah markuu xilka qabtay wuxuu kula dhaqmay Mamaaliikta adadeeg qaar badan ayuu xilka ka qaaday kuwa kalana xabsi ayuu dhigay[4], ugu dambeyn Mamaaliikta iyo Shajaru durr oo ka gadoodsan xukunkiisa ayaa ku guuleesteen inay dilaan 1250 [5][ْ 1] kadib dilka Tooraan Shaah awoodi oo dhan waxay gacanta u gashay Mamaaliikta waxay ka tashadeen cidii ay xilka u dhiibi lahaayeen ugu dambeen waxay xusheen oo doorteen Shajaru durr oo ahayd xaaska Saalax Ayuub[6], waxay ku maamushay dawlada si adag, waxay madax furasho ku daasay Luwiis kii Sagaalaad iyo talyaashiis sare ee gacanta dawlada ku jireen balse waxay sababtay culumada islaamka oo ka horjeesteen inay naag madax noqoto [7] iyo khaliifka Cabaasiyiinta Mustacsim bilaah oo asna aqbali waayay [8] inay guursato Cizudiin Aybuk xilkana uga dagto[9].
La loolamida ayuubiyiinta
Waxaa jiray faracyo kale oo Ayuubiyiinta ah kana talinaayay qaybo kamid ah Shaam waxaana ugu magacdheeraa faraca Xalab oo hogaamiyo ka ahaa Naasir Yuusf kaas oo ka hor yimid xukunka Mamaaliikta wuxuuna qabsaday Dimishiq, dhulka Shaam oo dhan ayaa ka baxay gacanta mamaaliikta [10] wuu isku dayay Naasir Yuusuf qabsashada Masar isagoona la galay Mamaaliikta dagaal culus oo ugu dambeeyn looga adkaaday Ayuubiyiinta [11] dhacdadaan ka dib colaadooda ayaa cirka gashay, Khaliifka Cabaasiyiinta ayaa soo kala dhex galay oo hishiis dhax dhigay [12].
Ka hortagida Tataarka
Tataarka wuxuu ahaa inuu dawlado badan oo islaami ah iyo kuwo yurubiyaan ah soo baaba'shay. Sanadii 656H oo ku beegan 1258 wuxuu qabsaday Baqdaad waxa uuna ka geestay xasuuq aan horay loo arkin taariiqda[13], waxay dileen dad kor u dhaafaya 1milyan oo ku juro Khaliifka Cabaasiyiinta Muctasim bilaah. waxaa saas ku soo idlaaday Dawladii Cabaasiyiinta ee jirtay mudo shan qarni, waxaana cabsi xoogan soo food saartay Mamaaliikta iyo Ayuubiyiinta.
Wuxuu ahaa Cizudiin Aybuk in la dilay 1257 waxaana ka dambeeyay dilkiisa xaaskiisa Shajaru durr oo uu ka dhexeeyay qilaaf [14], ayaduna waa la dilay [15] waxaana xilka loo doortay wiilkiis Nuurudiin Cali oo yaraa markaas [16] balse wax garadkii Masar ayaa soo jeediyay in marxladaan adag loo baahanyahay hogaamiye awood leh, waxaana la doortay Seefudiin Qudus [17].
Howlaakuu hogaamihii Tataarka ciidankiis ayuu Shaam la soo aaday, waxaana garab istaagay qaar ka mid ah dawladihii kirshtaanka, Naasir Yuusuf ayaa awoodi waayay inuu difaaco, waxay qabsadeen Xalab, gumaad daran ayeena ka geesteen[18], magaalooyinka Shaam ayaa mid mid gacantooda u soo galeen Dimishiq, Xumus ilaa Gaza Falastiin ay ka soo gaareen
Dagaalkii ceynu jaaluut
Howlaakuu wuxuu u soo qaray Mamaaliikta inay is dhiibaan, warqadiisana goodis iyo cabsi galin ayee xambaarsaneed [19] laakin Seefudiin Quduz oo aan baqin ayaa markiiba dilay fariin sidayaashii Tataarka, waxa uuna iclaamiyay dagaal, isagoona sii dhiiraday markuu ogaaday Howlaakuu inuu laabtay arimo kusoo kordhay awgeed, oo taliye sare Katabgaa la dhaho ciidanka ku dhaafay, Dagaalkii Ceynu jaaluut ayaa dhex maray labada ciidan 1260, waxaana jab culus la gaarsiiyay tataarka magaalooyinka Shaam ayaana dib looga soo ceshaday, waxaana dib usoo laabtay midnimada Shaam iyo Masar oo waayihii Ayyuubiyiinta jirtay[20].
Seefudiin Quduz waxa uu ku dhintay gacanta Mamaaliikta bil kadib Dagaalkii Ceynu jaaluut waxaana suldaan loo doortay Daahir Beebaris[21]
Soo celinta khilaafda cabaasiyiinta
Waxaa soo gaaray Masar Axmad bin Daahir oo walaal la ahaa khaliifka Cabaasiyiinta Mustansir, Suldaan Daahir Beebaris ayaa soo dhaweeyay waxaa loo doortay Khaliif 1261, Mustansir ayaa asna loogu yeeray, suldaanka ayaa siiyay ciidamo badan soo u soo ceshado Baqdaad, balse isla sanadkaas dagaal oo la galay Tataarka ayaa lagu waayay [22][23]. Waxaa sidoo kale yimid Axmad bin Xasan oo ka mid ahaa qoyska Cabaasiyiinta Khaliif ayaa loo doortay Mustansir kadib waxa loogu yeeray Xaakim bi amri laah.
Suldaan Daahir Beebaris wuxuu sii waday la dagaalanka Tataarka waxa uuna isbahaysi la sameeyay hogaamiyaha Qabiilka dahabiga Baraka Khaan, wuxuu ku duulay Salaajiqada Ruum oo hoos tageesay Tataarka 1276 waxa uuna gaarsiiyay Tataarka jab weyn dagaalkii Albastaan wax badan ayuuna ka dilay [24]
La dagaalanka kirishimiska iyo Qasashada andaakiya
la dagaalanka kirishtaanka saaciayagan Tataarka ayagana ma hilmaamin Armiiniyada yar oo ka mid ahayd dawladaha taageeray ayuu ku duulay 1266 khasaaro ba'an ayuuna gaarsiiyay[25],
1263 Waxaa uu weeraro aa kala sooc laheen ku qaaday imaaradaha kirishtaanka ee Shaam, waxa uu ku guuleestay xureen magaalooyin badan sida Yaafaa, Qeysaariya, Ramala iyo Safada [26]
imaarada Andaakiya oo ka mid ahayd imaaradaha kirishtaanka afarta ahaa ee la dhisay ka dib weeraradii saliibiga ahaa ayuu furtay 1268 Waxeyna ka heleen mamaaliikta qaniimo aad u weyn .[27]
guulaha is daba xiga uu gaaray Daahir Beebaris waxey ku kaliftay kirishmiska inay hishiis ogolaadaan ayagoo kala bar dheefta dhulka ee heestaan soo dhiibaya [28]
Xukunka Qoyska Qalaawuun
Daahir Beebaris wuxuu dhintay 678H ku beegan 1277 [29] wuxuu xilka u dardaarmay wiilkiis Saciid Baraka, balse labo sano markuu xilka haayay Mamaaliikta ayaa ku boodeen [30] waxeyna doorteen suldaan Qalaawuun kaas oo si kumeel gaar ah bilooyin xilka ku haayay wiil kaloo yar uu dhalay Daahir Beebaris kadibna wuu siibay [31].
Wuxuu wajahay Suldaan Qalaawuun bilawgiisa laba kacdoon, tan koowaad waa Sunqur Al-Ashqar amiirka Shaam oo ka hor yimid xukunkiisa misne damcay inuu Shaam dawlad madax banaan ka dhigo, [32] Qalaawuun oo daawdo ka ahayn dhaqdhqaaqan ayaa la dagaalamay oo ku qasbay Sunqur Al-Ashqar inuu is dhiibo [33]
Kacdoonka labaad wuxuu ka yimid Mamaaliiktii daacada u ahaa qoyska Daahir Beebaris kuwaas oo gacansaar la yeeshay Tataarka iyo kirishmiska waxayna dajiyeen qorshe lagu dilaayo Qalaawuun balse Suldaan Qalaawuun ayaa ogaaday arintaas waxa uuna ku dhigay gacanta talaabo adagna wuu ka qaaday [34] Qalaawuun waxa uu arkay inuu aasaaso adoomo asi daacad u ah oo ku tiirsanaado 1282 dii ayuu asaasay mamaaliikta sharkis ee ka soo jeedaan dhulka qawqaas.
La dagaalanka Tataarka
wuxuu ahaa Abaaqaa Khaan inuu soo diray ciidan kuwaas oo qabsaday qalcadaha shaam qaarkood Xalab ayeena galeen dad badana way kulaayeen, isla waqtigaas kirishmiska ayaa ka sameeyay dhaqdhaqaaq Shaam, suldaan Qalaawuun wuxuu la galay hishiis 10 sano ah kirishmiska si uu ugu firaaqo noqdo tataarka [35] Abaaqaa Khaan wuxuu ahaa inuu ciidan badan la soo aaday sanadkii 1281 Shaam, Qalaawuun ayaa ka hortagay waxa uuna ku dhigay jab aad u xun Dagaalkii Xumus labaad [36].
Ka sifeenta Kirishmiska Shaam
Qalaawuun wuxuu go'aansaday inuu dabargooyo kirishmiska, dagaalada ayuu ku soo rogaal celiyay, wuxuun ka qabsaday magaalada Laadiqiya iyo dhufeeska marqab oo aad muhiim u ahaa, waxa uu fursad ku helay imaarada Daraabulis oo is qabqabsi ka bilaawday ka dib dhimashada amiirkood [37] ciidan aad u badan oo boqol kun gaaraya ayuu ka xeestay soo u qabsado daraabulis ciidankii kirishmiska oo tabar iska waayay ayaa is dhiibay oo magaalada isaga baxay [38], waxaa gacanta muslimiinta kusii dhacay magaalooyin badan oo ka mid tahay Beyruut, kaliya waxaa u haray kirishmiska magaalooyin yar oo ka mid tahay Cakaa oo aad ugu xooganaayeen [ْ 2] waxaa soo gaaray kirishmiska gurmad xaga Yurub kaga yimid waxayna bilaabeen dhaqdhqaaq Qalaawuun ayaa go'aansaday inuu qabsado cakaa [39] markuu diyaar garoobay si kadis ah ayuu ku dhintay 1290 waxaana xilka qabtay wiilkiisa Ashraf Qalaawuun, waxa uu meesha ka sii waday qabyada aabihiis, kirishmiska Cakaa ayaa isku dayeen inee wadahadal ugu leexiyaan damaciisa balse uma dheg raaricin [40] 1291 ciidan dhan 160kun ayuu ku hareereeyay Cakaa iyo agabyo wax lagu hareereeyo sida warafyo waaween [41] ciidanka kirishmiska waxay muujiyeen difaac daran balse hala uma tarin oo ciidankii mamaaliikta ayaa galeen magaalada kirishmiskana waxaey ku carareen bada [42] Furashada Cakaa kadib waxey baneeyeen kirishmiska meelihii kale ee ka joogeen Shaam [43], waxeyna u rarteen Yurubwaxaa saas kusoo idlaaday dagaaladii kirishmiska ee soo bilaawday 1095.
Ashraf Qalaawuun 1293 ayaa waxaa dilay qaar mamaaliikta ka mid ah ooxukunkiisa ka soo horjeedeen [44], kadib xaalada dawlada waxey gashay qas iyo jahawareer ugu dambeyn waxaa lees la gartay naasir qalaawuun oo markaa yaraa in xilka loo doorto [45].
xiliga dahabiga ee Mamaaliikta
Naasir Qalaawuun maadaama uu yaraa waxaa maamulka dawlada gacanta ku dhigay talyaasha mamaaliikta kuwaas oo ka dhigeen sida qof qalcada ku xayiran [1] Zeynudiin Katabgaa oo kamid ahaa talyaasha sare ayaa canuga yar xilka ka siibay waxa uuna isku magacaabay suldaan 1294tii, xukunkiisa oo ku beegmay xili sicir barar ba'an oo jiray iyo talaabooyin uu qaaday oo dad badan qancin waxee keentay in dadku qumiyeestaan shacbiyad fiicanna uu yeelan[2], talye kale oo Xusaamudiin Laajiin la dhaho ayaa ka faaideestay oo afgambi ku sameeyay balse asna wadada kii hore ayuu maray mamaaliikta ayaana dileen 1298 [3], waxaa dhacday in dib loo soo celiyo Naasir Qalaawuun soo dhaween fiican ayuuna la kulmay [4].
Waxey dawladu weeraro kala kulantay hogaamiyaha Tataarka Maxamuud qaazaan kaas oo jabiyay mamaaliikta kuna falay dhulka shaam boob iyo fasaad, suldaanka oo wata ciidan badan ayaa gaaray shaam waxa uuna ka buriyay Tataarka [5], Qaazaan ayaa ciidankiis soo hogaamiyay mar labaad ayuu soo duulay suldaanka ayaa ka hortagay waxayna ku dagaalameen Dagaalkii Shaqxab 1302dii, jab culus ayaana ku dhacday Tataarka shacbiyada suldaanka ayaa sii korortay [46], sidaas ee tahay hadana suldaanka 14 jir buu ahaa waxaana ku tasarufaayay dawlada labo talyo oo kala ah Salaar iyo Beeris Jaashankiir, wuxuu isku dayay inuu ka taqaluso lbaduba laakin way ogaadeen, wuxuu dareemay inuu wax ka qaadi karin qof xaj aadaya buu iska dhigay markaasuu Qalcada Karki gabaad ka dhigtay xilkana wuu ka degay, Beeris jaashankiir ayaana la doortay badalkiisa [6], qadar ilaahay wuxuu kusoo beegmay xili abaaro jiraan waxeyna dadku u arkeen qumay Naasir Qalaawuun ayeena ka dalbeen inuu imaado, Naasir oo awoodeestay ayaa mar sedexaad xilka qabtay 1309, [47], si buuxda ayuuna gacanta ugu dhigay awooda, markaan dambe 31sano ayuu talada haayay.
Xilliga naasir qalaawuun waxa uu matalaa xiligee ugu fiicneed dawlada hormar ahaan deganaasho iyo awood intaba, xuduudka dawlada wuxuu ahaa galbeed barqa ilaa Shaam, Xijaas koonfurta Ciraaq bari, koonfur laga bilaabo Nuuba ilaa Anaadool waqooyi, waxa uuna ixtiraam ka heestay dawladaha caalamka, labo weerar ayuu ku qaaday Nuuba sanadihii 1315, 1316. Waxa uuna xilka saaray Cabdulaahi bin Barshanboo oo ahaa muslimkii ugu horeeyay ee ka taliya Suudaan kadib si tartiib tartiib ayuu ugu fiday islaamka [48][49]
Hoos u dhaca Mamaaliikta badda iyo dhicitaanka xukukooda
Kadib dhimashada Naasir Qalaawuun dawlada waxay gashay deganaasho la'aan ah wax aad u batay suldaan la siibaayo iyo mid kale oo la suraayo, 20kii sano ee xigay dhimashada naasir 8 kamid ah ilmihiisa ayaa suldaan loo doortay, arintaan ayaa saameyn ku yeelatay dawlada dhaqaalaheeda ayaa hoos u dhacay waxaa usii dheeraa daacuunkii madoobaa oo dilaacay 1349 asigoo galafsaday dad badan
Awooda xukunka waxay gacanta u gashay talyaasha sare ee mamaaliikta kuwaas oo ka dhigtay alaab alaabeey salaadiinta, talyaasha badankood waxey ahaayeen mamaaliikta sharkiska, waxaana ugu muuqday Seefudiin Barquuq kaa oo awooday inuu siibo Xaaji bin Ashraf kadibna qabto xilka 1382, waxaana sidaas ku bilaawday xukunka mamaaliikta sharkiska [50][51]
Xukunka Mamaaliikta Sharkiska
Bilawga xukunkiisa Seefudiin Barquuq wuxuu fashiliyay mu'aamaro lagu doonaayay in xilka looga qaadayo, hase ahaatee kacdoon ka yimid Shaam ayaa awooday inuu xilka ka rido 1388 [52] waxeyna suldaan kusoo celiyeen xaaji bin ashraf, labo sano kadib Barquuq ayaa awoodeestay oo xukunka soo ceshaday hadana [53]wuxuuna dabar jaray mucaaradkiisa.
waxaa soo food saaray dawlada halista Timuurlank oo awooday dawlado badan inuu soo baabi'iyay, hadalo kulul ayuu u soo qoray dawlada suldaanka ayaana si lamid ah ugu jawaabay [54], wuxuu u darbaday dagaal balse geerida ayaa u timid 801H/1399 waxaana xilka qabtay wiilkiis Naasir Faraj kaa oo awoodi waayay inuu joojiyo Timuurlank oo weeraro ba'an ku gumaaday dadka degan shaam, 1405tii mamaaliikta ayaa xilka ka tuureen Naasir Faraj waxeyna ku badaleen walaalkiis almansuur balse bilooyin kadib wuu soo laabtay Naasir Faraj, mar kale maamaaliikta oo ka xun dulmiga iyo qalbi kaknaanta Naasir Faraj waxay sameeyeen afgambi 1411 ayagoo dileen Naasir faraj khaliifka cabaasiga Mustaciin bilaah ayaana xilka loo dhiibay si ku meel gaar ah [55][56][57].
5 bilood ka dib Almu'ayid Sheekh ayaa loo doortay suldaan [58], kadib salaadin aa magac lahayn baa ka dambeeyay ilaa uu xilka qabto ashraf barsibaay 1422 [59] kaas weeraro ku furtay jaziirada Qubrus, waxa uuna xilka haayay ilaa 1438, wiilkiisa ayaana xilka kaga dambeeyay laakin wuu heesan waayay waxaana la wareegay Daahir Jaqmaq waxa uuna ahaa qof fiican oo munkarka suuliya[60] wuxuu isku dayay furashada Jasiirada Rodos oo heesteen Fardooleyda Qadiis Yoxanaa sedex weerar buu ku qaaday markii dambe hishiis buu la galay, Tiimuuriyiinta ayee xiriir fiican la yeelatay dawlada xiligiisa waxa uuna dhintay 1453, boqoradii ka dambeeyay waxaa laga xusi karaa Ashraf Qaaytibaay oo haayay xilka 1468 ilaa 1496 waxa uuna ahaa geesi la jecel yahay dhismooyin qurxoon ka tagay, xiligiisa wax u dhigma ma jiro marka laga yimaado xiligii Naasir Qalaawuun [61]
Waayihii dambe ee dawlada
Markuu dhintay Ashraf Qaaytibaay duruufo adag ayee wajahday dawlada sidii suldaan loo siibayay oo mid kale loo suraayay markii dambe Qaansuu Al-Guuri ayee ku xasilay 1501. Burtaqiiska ayaa heley jid oo marsiiyo ganacsiga aana Masar ahayn, waxa taasi keentay ishii dhaqaale ee ku tiirsaneed dawlada inee go'do, Burtaqiiska oo aad ugu awoodeestay dhanka bada ayaa sidoo kale wuxuu bilaabay inuu dhibo muslimiinta ku safraaya bada, mamaaliikta oo u aragtay in midaas xad gudub weyn ku tahay ayaa u dirtay usduulkeeda Hindiya soo ula dagaalamo Burtaqiiska [62] balse wax guul ah sooma hooyin oo Dagaalkii Diyuu ee la galeen Burtaqiiska ayuu ku burburay usduulka [63]
Xiriirka mamaaliikta ee la lahaayeen Cusmaaniyiinta wuu sii xumaanayay tan iyo Furasha Qusdandiiniya ka dib wuxuuna ka sii daray markuu Saliim xilka fuulay Saliim ayaa aad uga xumaaday Qaansuu Al-Guuri inuu kula garab istaagi waayo la dagaalanka Safawiyiinta waxa oona ku eedeeyay inuu dhabarka ka toogtay [64], hadana Qaansuu Al-Guuri oo ku sifeesnaa qof daalim ah xoolaha umada xaq dara ku cuna waxay keentay in dadka ay ka raadsadaan cadaalad Cusmaaniyiinta, meelo badan oo dawlada raacsanaa ayaa kubiiray Cusmaaniyiinta dad badan oo wax garad ahaana Saliim ayee ka dalbadeen inuu soo gaaro oona mideeyo caalamka islaamiga, waxaa lama huraan noqotay dagaal in laga baaqsado, mamaaliikta iyo cusmaaniyiinta ayaa ku dagaalameen 1516 dii Dagaalkii Maraj Daabiq kaas oo ku guuleesteen cusmaaniyiinta, waxaana lagu waayay nolol iyo geeri Qaansuu Al-Guuri, dagaalka kadib dhulka shaam ayaa u gacan gashay Cusmaaniyiinta.
Mamaaliikta inta hartay waxay Masar ku doorteen Duumaan Baay, Saliim ayaa u soo bandhigay Duumaan Baay inuu hoos imaado asaga xilkiisna uu iska heesto [65], balse Duumaan Baay ma aqbalin, Saliim ayaa u soo baxay la dagaalankiisa waxeyna ku dagaalameen 1517 Dagaalkii Riidaaniya kaa oo ku jabeen Mamaaliikta Duumaan Baay ayaa cararay oo dhuuntay, mar dambe ayaa la soo qabtay albaabka zuweyla agtiis ayaana lagu dilay [66], dilka Duumaan Baay ayuu kusoo dhamaaday jiritaanka dawladii mamaaliikta
Khaliifka Cabaasiyiinta Mutawakil sedexaad ayaa khilaafda uga dagay Suldaan Saliim [67] waxaa saas ku dhamaaday khilaafda Cabaasiyiinta ee muuqaal ahaan uga jirtay Masar ka dib markee dhacday dawladood.
Remove ads
Maamulkooda
Suldaanimada
xilka suldaanimada wuxuu ahaa xilka ugu sareeya ee dawlalada, badanaa ma ahayn dhaxaltooyo, ee wuxuu ku xirnaa awooda qofka iyo taageeradiisa xoogan, markuu dhinto suldaanka talyaha ugu awooda badan ayaa la wareegi jiray xilka, waxa uuna in badan xilka kusii hayn jiray canug yar oo suldaankii hore ka tagay hadii uu maslaxad u arko, markoo fursad helana meeshuu ka saari jiray.
Khaliifka islaamka
mansabka khilaafada waxaa haayay Cabaasiyiinta oo markii dawladood burburtay u guuray Masar, waxayna ahaayeen magac uyaal oo wax awood ku ma lahayn balse sharciyada suldaanka ayee xoojinaayeen, suldaanka wuxuu u baahnaa inuu ka helo aqoonsi xaga Khaliifka
Naaibka suldaanka
Naaibka suldaanka waa jago ka jirtay daawlada, waana jagada ku xigta suldaanka, waxayna ka jirtay magaalooyin badan oo Shaam dhaca qofka haayo sidii suldaanka oo kala ayuu ugu tasarufi jiray gobolkiis, markuu suldaanka joogana wuxuu u ahaa la taliye.
Garsoorka
Waxaa ka jiray dawlada afar garsoore oo kala matala afarta madhab Shaaficiyo, Xanafiyo, Xanaabilo iyo Maalikiyo, kuwaas oo iska kaashan jiray fulinta xukunka islaamka, waxaana loogu yeeri jiray mid kasta Qaadi-qudaat..
Nolol cilmiyeed iyo maskaxeed
Boqorada Mamaaliikta waxay aad u daneen jireen madaarista, badankood waxay dhiseen madarasooyin loogu magac daray , waxaa ka soo baxay aqoonyaano aad u badan, in badan oo ka mid ah culumada taariiqda islaamka aad saameyn ugu leh waxay noolaayeen xiligii mamaaliikta, waxaa ka xuseenaa:
shiiq Nawaawi oo qoray kitaabka "Riyaadusaalixiin", "Arbaciinka" iyo kutubo kale oo faaido badan
Ibnu Manduur oo qoray qaamuuska "Lisaanul Carab"
ibnu Nafiis oo ka qaray cilmiga caafimaadka kitaabka "alshaamil fi dib"
Dameeri oo qoray kitaabka "xayaatul xawaanaat"
Ibnu Hishaam oo kutubo badan ka qoray naxwada sida "Qadriga" iyo "Mugni labiib"
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa culumadii noolaa xiliga mamaaliikta Al-Ciz bin Cabdisalaan oo loo yaqaan suldaanka culamada, ibnu Teemiya, ibnu Qayim Al-jooziya, imaam Dahabi, ibnu kathir qoraaga "Al-Bidaaya Wa Nihaaya" iyo tafsiirka caanka ah, ibnu khalduun aasaasaha cilmiga bulshada, Ibnu Qudaama Al-Maqdasi qoraaga kitaabka "Muqniga" ee madhabka Xanbaliga, ibnu xajar Casqalaani, ibnu Daqiiq Ciid, Al-qalqashandi qoraaga moosuucada "Subxul Acshi", Jalaaludiin Suyuudi qoraa iyo culumo kale oo saameyn xoogan ku yeeshay taariikhda islaamka
Remove ads
Boqorada mamaaliikta
Magacyada boqorada Dawladda Mamaaliikta, Mudadii ay heysteen talada iyo khaliifka cabaasiga ee ku waqtiga ahaa.
Remove ads
Xigasho
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads