Wadanada Xubnaha Qaramada Midoobay
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
|Maabka wadanada xubinta ka ah Qaramada Midoobay iyo wadanada QM u aqoonsan tahay wadan (midabka buluuga[1]]]

Waxaa jira 193 Wadan oo xubin ka ah Ururka Qaramada Midoobay kuwaasi oo mid kasta xubin ka yahay Golaha Sare Qaramada Midoobay.[2]
Ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waxaa si fiican u sharaxaya Qodobka 4aad ee Dastuurka Qaramada Midoobay:[3]
- Ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waa mid u furan dhamaan dowladaha jecel nabada marka laga reebo kuwa uu dasturku ka reebay, ayadoo la tixraacayo xukunka ururka.
- Codsiga ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waxaa go'aan ka gaadhi kara Golaha Sare oo la tashanaya Golaha Amniga.
Warbixin taageero leh oo ka timaada Golaha Amnigu waxay u baahan tahay in xubnaha golahaasi codeeyaan taasi oo ugu yaraan sagaal xubnood ogolaansho bixiyaan; kuwaasi oo aanay ku jirin Shanta Xubin ee joogtada ah. Ka dib, ogolaanshaha Golaha Amniga waa ineey ansixiyaan Golaha Sare, kuwaasi oo ugu yaraan labo meelood sadex meelood (2/3) codeeyaan ogolaansho.[4]
Sida saxda ah waxaa Qaramada Midoobay xubin ka noqon kara wadanada xorta ah oo kaliya, maantana dhamaan xubnuhu waa kuwo madax banaan.[5]
Remove ads

1945 (xubnihii ugu horeeyay)
1946–1959
1960–1989
1990–wakhti xaadirkan (hada)
wadanada aan xubinta ahayn
Taariikh ahaan Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 24 Oktobat 1945 ka dib markii shanta Wadax ee Xubinta joogtada ah isku afgarteen Dastuurka Qaramada Midoobay. Wadanadaasi aasaaska ka qeyb qaatay waxay kala yihiin Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Maraykanka.[7]
Remove ads
- Qaramada Midoobay
- Bankiga Aduunka
- Ururka Caafimaadka Aduunka
- Hayada Cuntada Aduunka
- UNESCO
- UNICEF
- ICAO
- WHO
- WFP
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads