From Wikipedia, the free encyclopedia
Balwo (Af Carabi : ar) waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida. Balwo waa heesihii ugu horeeyay ee jacayl iyo kalgacal ku salaysan kuwaasi oo muusik loo garaaco. Markii ugu horeeysay, heesahan waxaa sameeyay Aabaha Fanka Soomaalida Cabdi Deeqsi Warfa. Heesaha Balwo waxay ka bilaabmeen magaalada Borama, gobolka Awdal wakhti lagu qiyaaso intii u dhaxaysay 1940 ilaa 1945kii.
Balwo waa hab iyo qeyb ka mid ah heesaha iyo Fanka Soomaalida taasi oo ah aasaas iyo sal u ah habka heeso Soomaaliga casriga ah. Heesaha Balwo waxaa bilaabay koox uu aasaasay aabaha fanka Soomaalida Cabdi Sinimo wakhti qiyaastii ku beegan 1935kii.
Sida warbixinta lagu hayo, Cabdi Deeqsi Warfa "Cabdi Sinimo" wuxuu ahaa dirawalka iyo mulkiilaha gaadhi xamuulka iyo dadka u kala qaada magaalada Borama iyo Djibouti. Qiyaastii sanadkii 1943kii ayaa Cabdi Sinimo baabuurkiisi ku jabay meel u dhow Banka Giriyaad, wakhtigaasi ayuu sameeyay ereyada heestii ugu horeeysay uu ku luuqeeyay asagoo ka shaqaynaya baabuurka ka xumaaday. Heestaasi waxaa la yidhaahdaa Balwo; waxayna noqotay magaca iyo bilowgii suugaanta cusub ee Soomaalida iyo kooxdii ugu horeeysay ee fanaaniin leh: Kooxda Balwo.[1]
Balwooy! Hooy balwooy Waxa i baleeyey mooyaan Waxa i baleeyey baabuur Waxa i baleeyey Beerguba. . . .
Kooxda Balwo waxaa xubin ka ahaa:
|title=
(caawin)|title=
(caawin)
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.