From Wikipedia, the free encyclopedia
Sharabaad (Af Ingiriis : socks; Af Carabi : ar) wadar ahaan noqoneysa Sharabaado sidoo kale looga yaqaano koonfurta Soomaaliya Sigiis (wadar: Sigiisyo), waa nooc ka mid ah hu'ga kuwaasi oo lagu xidho lugaha si uga ilaaliyo lugaha dhamaan wixii khatar ah. Sharabaaduhu waa sheey ka tirsan dharka taasi oo lagu xidho lugaha.[1] Sharabaaduhu waxay ka mid yihiin hu'ga caadiga ah ee si joogto ah dadku isticmalaan dhamaan dacalada caalamka. Si la mid ah dharka noocyadiisa kala duwan, sharabaadaha waxaa laga sameeyaa dun, cudbi iyo waxyaabo kale oo la isku daray.[2] Qaar ka mid ah sharabaadaha waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[3]
Sharabaadaha waxay ka mid yihiin dharka dadku isticmaalaan kaasi oo loo xidho in lugaha ka difaaco dhaxanta, qaboowga, roobka iyo qoraxda. Sidoo kale, sharabaaduhu waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin, labiska iyo damaashaadka. Guud ahaan, sharabaadaha waa shey la tolay harag iyo dun taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Sharabaaduhu waxeey leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee diraca waxaa ka mid ah dhererka oo ka soo bilaabma luqunta (qoorta) ilaa lugaha, midabo badan oo kala duwan, mararka qaar khafiir iyo fudayd.[4]
Ereyga sharabaad asal ahaan waxaa loo malaynayaa inuu ka soo jeedo luuqada Af-Hindi.[5]
Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[6] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[7][8]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.