Dekada Muqdisho
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Dekadda Muqdisho (Af Ingiriis : Port of Mogadishu), sidoo kale loo yaqaano Dekadda Caalamiga Muqdisho,[1] waa dekada rasmiga ah ee magaalada caasimada Muqdisho, taasi oo u adeegta howlaha dowlada Soomaaliya. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn isla markaana ugu mashquulka badan Geeska Afrika.[2] Dekedda Muqdisho waxaa asal ahaan la sameeyay wakhti aad u horeeyay, taasi oo taariikhyahanadu ku sheegaan in dekedani jirtey wakhtigii Boqortooyadii Roomaanka.[3]
Dhinaca kale, dekedani waa mida ugu weyn dhamaan dekadaha ku yaala wadanka Soomaaliya.[4]
Remove ads
Dekadaha Soomaaliya

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika,[5] taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:
- Dekada Berbera
- Dekada Boosaaso
- Dekada Kismaayo
- Dekada Laasqorey
- Dekada Marka
- Dekatul Raxmaan
- Dekada Muqdisho
- Dekada Saylac
Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Dekatul Raxmaan, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan.
Remove ads
Sidoo kale fiiri
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads