Rajab

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Rajab (Af Carabi : ar) waa bisha todobaad ee Kalandarka Hijriga. Bishani waxay ku dhamaataa 29 ama 30 maalmood. Sida caadiga ah, bisha Muxaram waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".[1]

Hordhac

Bisha Rajab waa bisha todobaad ee maalintiriska Hijriga ah. Bishan waxaa asal ahaan laga soo xigtay ereyga Af Carabiga ah ee "Rajaba" oo macnaheedu yahay "qadarin".

Wakhtiga

sido kale bishaan waxay bilaha kale kaga duwantahay waxay kamid tahay bilaha barakesan {{mahaboona ina danbigisho wa inad is ilaalisa wayo danbiyada waylabo jibaarmaan }} iyada bes mahan {{muxaram rajab dul alqacdah dulxijjah }} afartas bilood waa ashahrul xurum danbi hees ha ahaado cay xan zino iyo dunubta kowooda wawen iyo kuwooda yaryarba ka dherow allena ooga cabso sidu alle u xurmeyay uxurmeey Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[2]):

More information Miilaadi, Biloow ...
Remove ads

Kalandarka Hijriga

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[3]

Sidoo Kale Fiiri

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads