Suxufi Ibraahim

From Wikipedia, the free encyclopedia

Suxufi Ibraahim
Remove ads

Suxufi Ibraahim

Thumb
Nebi Ibraahim (c.s) waxaa lagu soo dejiyay kitaabka Suxufiga.

Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim (ingiriis: Scrolls of Abraham; carabi: ﺻﺤﻒ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af-Soomaali: qoraaladii Nebi Ibraahim, "suxufi ibraahim") waa kitaab diini ah oo Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim.[1][2] Qoraaladaasi waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay ineey yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim; kuwaasi oo uu qoray Nebi Ibraahim naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay qoraalada suxufiga ee Nabi Ibraahim.[3]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Remove ads

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed.[11] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

More information Magaca, Magaca Af-Carabi ...
Remove ads

Qoraalo La Mid Ah

Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads