Sabuur

From Wikipedia, the free encyclopedia

Sabuur
Remove ads

Kitaabka Sabuur

Sabuur Zabuur Kitaabka Sabuur (ingiriis: Book of Psalms; carabi: ﺯﺑﻮﺭ, macanaha: zimra "hees" "muusig", ﮐﺘﺎﺏ ﺩﺍﻭﺩ, "kitabul Daa'uud", "kitaabki Daa'uud"; Hebrew: ְהִלִּי, micnaheedu tahay: "amaan", "amaanid") waa kitaabka diinta Zabuur ee Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Daa'uud.[1][2] Intaasi waxaa dheer, kitaabka Sabuur waxaa la barbar-dhigaa ama lagu sheegaa in uu yahay turjumaada kitaabka, Kitaabka quduska "Psalmska" ee dadka Yuhuuda ah ee reer bani Israa'iil. Ereryga "zabuur" (ﺯﺑﻮﺭ) waa mid ah af-carabi kaasi oo asal ahaan lagu micneeyay inuu ka yimid ereyga "zimra" ee luuqada Hebrewga taasi oo macnaheedu tahay "hees ama "muusik" [3]

Buugga Sabuurradii waxaa ku kooban 150 gabay.[4]

Sabuur 83:18 waxaa ku qoran: ‘Adigoo magacaagu Yehowah yahay baad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.’

Thumb
Sabuur 83:18 waxaa ku qoran: ‘Adigoo magacaagu Yehowah yahay baad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.’ (Geneva Bible, 1560)

Si kastaba ha ahaatee, waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay in kitaabka Sabuur tahay waxyigii Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Daa'uud; kuwaasi oo uu qoray Nebi Daa'uud naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday. Kitaabka Sabuur waxaa ka horeeyay Kitaabka Towraad ee Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Muuse, waxaana ku xigay Kitaabka Injiil ee Ilaahay u soo waxyooday Nebi Ciise.[5][6]

Remove ads

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan[7] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[8] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed.[9] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[10]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

More information Magaca, Magaca Af-Carabi ...
Remove ads

Kutubta Ku Xusan Quraanka

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay kitaabka Zabuur ee Nabi Daa'uud.[11]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[12] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Remove ads

Qoraalo La Mid Ah

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads