Kitaab
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub"; Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav") waa erey af-Carabi[1] ah oo macnaheedu tahay "buug".[2] Intaasi waxaa dheer ereyga "kitaab" waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kutubta afarta ah iyo suxufiga Ilaahay (s.w) ku soo dejiyay ama u soo waxyooday Rasuusha iyo Nebiyada. Sidoo kale, marka la soo qaado ereyga Al-Kitaab waxaa loola dan leeyahay ama la sheegayaa oo loo adeegsadaa kitaabka Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka.[3]
- Yaan lagu khaldin Buug.
Kitaab


Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.[5][6][7][8]
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Remove ads
Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ.[11] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]
Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:
Remove ads
- Diin
- Islaam
- Qu'raan
- Nabi Aadam C.S.
- Nebi Maxamed
- Nabi Ismaaciil C.S.
- Nabi Ayuub C.S.
- Nabi Muxamed (c.s.w)
- Nabi Daa'uud C.S.
- Nabi Suleymaan C.S.
- Nabi Nuux C.S.
- Nabi Idriis
- Nabi Saalax
- Nabi Shuceyb
- Nabi Yuusuf
- Nabi Muuse C.S.
- Nabi Ilyaas
- Nabi Ibraahiim C.S.
- Nabi Huud
- Nabi Ciise
- Kitaabka quduska
- Masiixiyad
- Luqmaan Alxakiim
- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Islam
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads