Bunni

Midab From Wikipedia, the free encyclopedia

Bunni
Remove ads

Bunni ama Buni (Af Ingiriis : Brown; Af Carabi : لاسعانود) waa midab madoow khafiif ah oo eg jiridka dhirta [1]. Midabka buni wuxuu ka midabow isku dhaf ah; marka rinjiga la sameeynayo waxaa la iskudaraa casaan, madoow iyo huruud kuwaasi oo si fudud u soo saara midabka buniga.[2][3]

Quick facts Buni, Midab Xidhiidhiye ...


Sidoo kale waxaa buniga laga sameeyn karaa iskudarka midabada buluuga, huruuda iyo casaanka.[4] Dhinaca kale, midabada dhalada telefishanka waxaa laga sameeyaa casaan iyo cagaar kali ah, taasi oo soo saarta buni jaamud ah. Si kastaba ha ahaatee midabka buniga waxaa loo yaqaanaa inuu yahay midab dabiici ah oo matala nolosha dabiiciga ah, sababtoo ah carada, geedaha dhirta iyo in badan oo [[xoolo|xoolaha ah ayaa midabkani leh, kuwaasi oo taageera nolosha dadka. Intaas waxaa dheer, timaha dadka, bu'da indhaha iyo midabka maqaarka jidhka ayaa buni ah.

Guud ahaan, waxa meelo badan oo caalamka ah looga yaqaana midabka buniga ahi inu matalo faqiirnimo, bisaarad, abaar iyo gaajo.[5]

Remove ads

Muuqaalka


Midabo Kale

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads