Dul al-Qacdah
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Viedme.seef
Dul-Qacdah, Dul-Qacda, Thu-l-Qicda, amaDhu al-Qi'dah (Af Carabi : ar, loo qoro Ḏū l-Qaʿdah, IPA: [ðʊlˈqɑʕda] ) waa bisha kow iyo tobanaad ee Kalandarka Hijriga.[1][2][3] Sida caadiga ah, bisha Dul Qacda waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".
Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood. Dhinaca kale, dadka Shiicada ah waxay bishan u yaqaanaan Zilqad al-Haraam.[4]
Hordhac
Bisha Dul Qacda waa bisha kow iyo tobanaad ee maalintiriska Hijriga ah.[5]
Wakhtiga
Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.
Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[6]):
- 1426 Hijri – Biloow: December 2, 2005; dhamaad: December 31, 2005
- 1427 Hijri – Biloow: November 22, 2006; dhamaad: December 21, 2006
- 1428 Hijri – Biloow: November 11, 2007; dhamaad: December 10, 2007
- 1429 Hijri – Biloow: October 31, 2008; dhamaad: November 29, 2008
- 1436 Hijri - Biloow: August 16, 2015; dhamaad: September 15, 2015
Remove ads
Kalandarka Hijriga
Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.
Bilaha Hijriga
Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[7]
Sidoo Kale Fiiri
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads